Xukukumadda iyo xarunta golaha wakiilada s/land ayaa ayaamihii ugu dambeeyay

Xukukumadda iyo xarunta golaha wakiilada s/land ayaa ayaamihii ugu dambeeyay

MAQAAL

Waxaa ka dhex taagnaa dagaal siyaasadeed oo xidigaha laysku weeraray Dagaalkaas oo bilaab-msy markii godoomiye cirro G/golaha wakilada s/land uu cagta hoos mariyay labadiisii G/kuxigeen ee garbihiisa fadhiyi jiray markii hore
Imikana uu ku dhex tuuray golla waynaha
Hadaba labada ku xigeen oo ka soo jeeday xusbiga talada haya ee kulmiye   
Ayay xukumadda aawadood waxay u qaaday dagaal ay la beegsanayso
Gudoomiyaha baarlamaanka mudane c/raxman maxa/ed c/laahi cirro
Isla markaana ah dagaal aar goosiya oo ay xukumaddu ugu aarayso xubnahoodii Shirgudoonka ee saaxada laga saaray hadaba waxaa xusid mudan dagaalkaasi Halkuu ku dabeeyay iyadoo habenkii xalay iyo shalay maalinimadiiba aad looga dareemaayay olole xoogleh oo ay xukumaddu kaga jirtay mudanayaasha baarlamaanka ayaa saaka subaxnimadii  waxa xarunta golaha isa soo dhoobay gaadiid aad u tirro badan isla markaana u badnaa baabuurtii mudanayaasha waxaana agagaarka xarunta lagu arkaayay dadwayne tuban oo ka dhursugaaya Waxa ka soobaxa fadhiga mudanayaasha sidookale waxa xusid mudan in isla Saaka uu dalka ku soo laabtay M/weyne siilaanyo
Hadaba waxaynu eegaynaa bal hirdankii labada garab waa xukumada iyo Gudoomiyaha golaha wakiiladee cidii ay guushu ku raacday iyo cidii dhabarka jeedisay labada kooxood waxaynu wada ognahay in saaka uu fashilmay mooshinkaasi ama uu xidhmay fadhigii golaha wakiiladu kadib markii uu soo fara geliyay aqalka ay deriska yihiin ee guurtida cidii doontaaba hasoo abaabushee
Ergadaa guurtidee waxa dib loo hakiyay mooshinkii saaka waxaanay u eegtahay in xukumada halkaa lagaga adkaaday saaka 
Balse waxa iswaydiin leh ma halkaas ayay xukumaddu kaga hadhaysaa Gudoomiye cirro iyo kursigiisa mise dib ayay usoo hub urursanaysaa         Hadayse Halkaa kaga hadho maxay mudanaysaa hadayse markale soo rogaal celiso      
G/cirro saamayn intee leeg ayay kayeelan doontaa soo rogaal celinta Xukumaddu  aynu ku horayno hadii ay xukumaddu halkaa isku dhiibto
Waxa cadaanna inaanay ku ledi doonin maska cunaha kaga duuban               Haday-se mar labaad isku daydo inay G/cirro meesha dhaafiso                                    Rajada ay qabtaa intay leegta waa xukumadee horta haday isku daydo kaambayn dabe waxan filayaa inaanay halkii hore soo gadhayn ee ay dib uga sii Dhacayso
Hadaba marka laga yimaado arinta xukumada bal haday bidixdab u dhacdo Xaaladu oo ay C/raxmaan cirro xukumadu waydaariso kursiga maxay saamayn       Kuyeelanaysaa maadama uu yahay musharax m/weyne oo ka tartami doona         Xusbiga uu gudoomiyaha ka yahay ee mucaaradka ah ee wadani
1Waxa uu waayaya awooddo dhawra
oo ay kamid tahay gabrakan uu hada ka dagaalamaayo
2Dhaqaale uu hada ku heki jiray booskan gudoomiye-nimada
3safaradii dibada ee uu uga faa.iidaysan jiray arimo dhawra ku raadin jiray taageero caalamiya iyadoo aanay iyada qudheeda ka madhnayna xaga dhaqaalaha
4Waxaa kaga baxaaya kaambaynaka uu isku difaacaayo lacag aad u tirro badan
oo hadhaw ka go.an kaambaynkiisa dambe ee doorashada waxa aan iyana Meesha ka madhnayn in lacagta xukumadu ku kaambay-garynasaa ay ku lamaantahay maskabayo siyaasadeed iyo dano gaari oo 2000kun ee xukumadu Way ka culus yihiin 4000kun ee cirro
Hadaba xaalku waa nin walawba labo daran mid dooro      
by sacad cali kaahin Raamalay sacad plucky