XUKUUMADA SIILAANYO LAACA ARAGTEE LAAGA MA OGTAHAY?.

XUKUUMADA SIILAANYO LAACA ARAGTEE LAAGA MA OGTAHAY?.

MAQAAL

Qalinkayga maanta waxaan ku xardhayaa  xasiloonidarada siyaasadeed ee soo waa jahday  , siyaasadii xukuumada siilaanyo.

Xukuumada qayladii iyo dardaarankii bulshada  somaliland waxay ka qaaday  dhaga adayg iyo  geesinimo , iyadu isu sheegtay.

Xukuumadii waxaa majaraha uqabtay , nin dhalinyaro ah oo aanay rag is arag,  cashuurta shacabkana  awood kusamaystay,  sacabtunka  siyaasaduna ka duway wadadii saxda ahayd.

 

Aan u soo dhaadhaco , dulucda maqaalkaygan, iyo  falagyada siyaasada somaliland halka ay maanta fadhiyaan.

Xukuumadii siilaanyo , ee xirsi xalaashaday  waxay iswaydiisay, maxaa awood kaa maqan maanta  yaa ku diidi kara,  ismahadinta xirsi iyo  ismaqiiqa  xildhibaano calooshooda ka sahan qaata , ayaan ee gay waxay samayn karaan,  akhristi 5 qodob eeg  iskunaday in aad fahanto…

 

Awooda xirsi maxaa xaqiijiyay in ay jirto oo wuxuu rabo samayn karo?

1-dulqaada shacabka iyo 5 sanaan siilaanyo dooranee 5 taas aan sugno  waxna yay naan samayn.

2-dhabarjabintii gudoomiyihii  2 aad ee  kulmiye c/raxmaan c/qaadir oo  amaan iyo geesinimo karaacday  md xirsi, guulihiisa siyaasadeedna ku darsaday.

3-duurashadii  uu kureebay mujaahidiintii  xasan ciise iyo dhagawayne, xirsi oo marsadexaad amaan ku helay,  kuna darsaday guulihiisa siyaasadeed.

4- dhirbaaxadii  madaxwayne ku xigeenka, saylici ee madaxtooyada ka dhacday, oo md xirsi guulihiisa kudarsaday, faana kadhigtay.

5- dulqaadkii c/raxmaan cirro,, oo xirsi guulihiisa kudarsaday,  firfircooni siyaasadeedna ka qaaday.

 

Hadaba maxaa dhici kara, oo md xirsi siyaasadiisa 3 sano soo shaacbaxday halkeedii ku celinkara,  akhriste  ila soco . 4 tan qodobna eeg.

 

1-    Dulaadkii cirro oo isu badali doona  dood siyaasadeed,  taageero   siyaasadee  oo shacabka somaliland siin doonaan cirro, aamuskii  gudoomiye c/raxmaan cirro oo hadal joogto ah isu ragi doona  xukuumadana  sahwi iyo salal galin doona.

2-    Mujaahidiintii oo  ku soobiiridoona  bahwaynta  xisbiga waddani ,  madaxwayne   taas oo siilaanyana  hurdada u diidi doona.

3-xukuumada oo  54 mudane kaxayuubin doonaan  xilka loona diidi doono in ay dalka kabaxaan inta la baadhayo   musuq maasu qoodii.

 

4, mawjado  shacab cadhaysan ah oo madaxtooyada galidoona, iyo xaalka siyaasad a oo isu rogidoona canaan iyo  maxaad markii hore noola talin waydeen , intaanaan c/raxmaan cirro isku taataaban..

 

Maqaalkaygan waxaan ku soo gabo gabayn doonaa , xukuumadu laaca aragtee laaga ma ogtahay,  badalaada gud, cirro   cilmibaad ka barandoontaa  ee xukuumada waxaan leeyahay,  WAX BADSO WAX BEEL BAYDHASHAA.

 

Waa qalin kii c/risaaq  axmed jaamac<siminaar>