Xukuumada Somaliland Maxay Ka Tidhi Xadhiga Wargayska HUBAAL.?

(SM:Hargaysa) Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay xadhiga iyo tacadiga ciidamada RRU-du u gaysteen Wargeyskii Hubaal iyo hawl-wadeenadii Wargeyskaas.

Wasiirka arrimaha gudaha oo shalay kulan lagaga hadlayey sidii warbaahintu uga qayb qaadan lahayd horumarka dalka, ayaa suxufiyiintu waxay Wasiir Cali Waran-cadde ka codsadeen inuu Wargeyska Hubaal u sii daayo, isagoo ka war-wareegay inuu ku dhawaaqo sii daynta Wargeyska iyo cidda wali haysata. Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu ku jawaabay.

“Waxaan kala garan lahay in iyagu noqdeen ilmo-yar oo qal-qaaliya iyo in arrintu booliska wax ka khaldan yihiin. Waxaana filayaa inay arrintaasi dhaw-dhaw dahay, waxaana jecelahay haddii ALLE ka dhigo in arrintaasi si wacan ku dhamaato.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu safarkii uu ku tagay Ingiriiska lagu waydiiyey xadhiga Wargeyska Hubaal, waxaanu yidhi, “Waxaan u malaynayaa markii aan tagay Ingiriiska maalin ayaa la I waydiiyey Wargeskii HUBAAL, waxaana ku idhi waa anigii hore u sii daayey.”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:Ogaal