Xukuumada Somaliland Oo Sheegay Inay Masaafurin Doonto Saddex Sarkaal Oo Ka Tirsan Dowladda Federalka Ee Soomaaliya Oo

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ku Sugan Magaaladda Burco Ayaa Si Rasmi Ah Uga Hadlay Hawlaha Sahaminta Shidaalka Iyo Tabashada Ku Gedaaman (Daawo). – See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wasiirka-Arimaha-Gudaha-Oo-Ku-Sugan-Magaaladda-Burco-Ayaa-Si-Rasmi-Ah-Uga-Hadlay-Hawlaha-Sahaminta-Shidaalka-Iyo-Tabashada-Ku-Gedaaman-Daawo.

Feb 02,2014 Hargeys(SM)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade  ayaa sheegayi nay masaafurin doonaan saddex sarkaal oo ka tirsan dowladda Federalka ee Soomaaliya oo shalay lagu xiray garoonka dayaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Saraakiisha la xidhay waxa ay kala yihiin Jaamac Maxamed Jaamac oo ka tirsan xafiiska hab-maamuuska ee Madaxtooyada Soomaaliya, Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska Raiisul Wasaaraha iyo Cabdi Casiis Aadan oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibedda.

Wasiirrka arrimaha gudaha ee Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa