Xukuumada Soomaaliya oo magacawday Xisaabiyaha Dowladda iyo hanti dhowrka guud (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Kulankaan, ayaa goluhu uga hadlayeen qodobo ay ka mid ahaayeen sugidda amniga dalka, soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda oo aheyd magacaabida Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo hanti dhowrka guud, waxaana dhanka kale warbixino looga dhegeystay Wasiiro soo jeediyay qorshe howleedka Wasaaradda.

Sidoo kale Golaha Wasiirada, ayaa ugu horeyn warbixino ka dhegeystay Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, isaga oo uga warbixiyay dhacdooyinkii xalay ay kooxaha nabadiidku ku khal khalgeliyeen shacabka, wuxuuna xusay in ciidanka amnigu ay si adag u wajaheen ayna gacanta ku dhigeen 2 ruux oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen hoobiyeyaal la riday.

Gabagabadii kulanka, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji C/weli, waxaana uu sheegay in ugu horeyntii golaha Wasiiradu ay cod u qaadeen shaqsiyaadka ku haboon qabashada Xisaabiyaha guud iyo hanti dhowrka, waxayna Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisay taariikh nololeedka xubno badan oo araajidooda soo gudbiyay, waxaana laga xulay Dr. Nuur Faarax oo loo magacaabay hanti dhowrka guud ee dawladda, iyo Mudane Cabdiweli Axmed oo isna loo magacaabay Xisaabiyaha guud ee Dowladda.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in golaha wasiiradu ay dheysteen warbino la xariira qorshe howleeda qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumada, oo ay ka mid ahaayeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Wasaaraddo kale.

Salaanmedia/Mogdisho