Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Todobaadka Cuntada iyo Biyaha

Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Todobaadka Cuntada iyo Biyaha

SHIFab 22,2014 Hargaysa(SM)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah loogaga dhawaaqay todobaadka ololaha cuntada iyo Biyaha Qaranka. Kaasoo bilaabmi doona bilowga bisha soo socota ee March.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha Qorshaynta qaranka, Kalluumaysiga, Kheyraadka biyaha, Beeraha, deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Xanaanada Xoolaha iyo hay’ada NERAD eek a hortagga masiibooyinka iyo aafooyinka dabiiciga ah.

Dr Sacad cali Shire wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka oo halkaasi ka hadlkay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay todobaadka cuntada iyo biyaha ee Somaliland, kaasoo ay iska kaashanayaan lix wasaaradood iyo hay’adda NERAD, socona doona muddo todoba cisho ah, ololahaas oo ka koobnaandoona wacyigelin, Doodo, shirweynayaal iyo bandhigyo.

Wasiirka qorshaynta qaranku waxa uu sheegay in ujeedada laga leeyahay ololahaasi ay tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa wax soo saarka dalka, bulshada Somaliland-na ay u isticmaali lahayd midhaha ka soo baxa dalagyada gudaha laga beero, isagoo wasiirku xusay in cuntooyinka xiligan la isticmaalo 85% laga keeno dalka dibadiisa, kaasoo qiimo badan oo dhaqaale uu sanad walba kaga baxo Somaliland. Isagoo intaa ku daray in cuntada dibada laga keenayaa aanay lahayn tayadii looga baahnaa.

Dhankoodana mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda biyaha Xuseen Axmed Cabdallah, wasiirka wasaaradda Beeraha Proff Faarax Cilmi geedoole, wasiirka Wasaaradda kaluumaysiga Md cali jaamac faarax Buureed, wasiirka wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri xaaji Ismaaciil baandare, wasiirka wasaradda xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Gudoomiyaha Hay’adda NERAD Dr Maxamed Muuse Cawaale oo dhamaantood madashaasi ka hadlay ayaa isku waafaqay in dalka gudihiisa laga diyaarin karo cuntooyin faro badan oo lagaga maarmi karo cuntada dibadda laga keeno.

Salaanmedia/ Hargaysa