18 May haka Madax-baanaanaato Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland.

18 May haka Madax-baanaanaato Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland.

 maqaal

Waxa mahad iska leh illaahey subxaanahu watacaalaa, intaa ka dib waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka dhamaan umadda reer soomaaliland ee ku  nool daafaha dunidda, si gaara waxaan u salaamaya warbaahinta soomaaliland ee madaxa banaan.

Hadaan maqaalkeyga aan maanta qalinka u qaatey hore  ugu daadago, waxa aan ka daalacanayey warbaahinta iyo aaladaha kale ee lagu xidhiidho sida face book ga maqaalo ku saabsan maalinta weyn ee 18 of May.

Maalinta 18 of May maaha maalin muran galli karta ama laysku qabsan karro toona, waa maalin qaran siday ku timina qof walba oo reer soomaaliland ahi wuu ka dheregsan yahey, waa maalin mudan in aad loo weyneeyo, umadda reer soomaaliland na shucuurtoodda ay xaq u leeyihiin inay ku muujiyaan, safiirka u joogga wadankeenna Mudane Cali Aadan Cawaale  Somaliland waddankan ingiriiska waxaad moodaa inaanu u bisleyn hawshii uu u hayey umadda reer soomaaliland, waxa xaqiiqa ah inuu group yar gundhadda ugu jiro, group kaa oo ku can baxey iney kotorobaaniyaan maalinta weyn ee 18 of may. Sannadkii la soo dhaafey ee 2013 xafladdii 18 of may oo aan goob joog ka ahaa sida ii caadada ah runtii waxey iigu suntanneyd maalintii ugu liidatey ee aan soo xaadirro xaflad 18 of May dhawr iyo tabankii sanno ee aan degannaa magaaladda London, waayo meesha lagu qabtey mey aheyn meel umadda reer soomaaliland loogu daneeyey, amaba aad ayey uga fogeyd xaafadaha ay ku badan yihiin dadka reer soomaaliland, waayo dadkii ka soo xaadirey waxey u badnaayeen carruur iyo haween maadaama la qabtey xaflada maalin,  haba yaraatee wax barnaamij ah oo ku saabsan waddankii hooyo ama barnaamij wacyi galina ama waxtar u lahaa dhalaankaa meesha isugu yimi haba yaraatee muusan jirin, run ahaantii waxey aheyd meel ay dadku ku hunguubeen.

18 of May, waxey mudan tahey in la weeyneeyo umadda reer soomaaliland ahna ay shucuurtooda ku muujiyaan meel munaasib ah, 18 of may haka madax banaanaato wasaaradda madaxtooyadda, waxaan safiirka Mudane Ali ka codsanayaa inuu qiimaha ay maalintani u leedahey umadda reer soomaaliland la fahmo, la weyneeyo, kana saarro kotarabaanka, umadda reer soomaaliland waxey doonaysaa iney 18 of May ku muujiyaan shucuurtoodda meel adduun weynaha indhahooda qaban karta, safiirka xilbaa arrinkaa ka saaran ee waa inuu umadda midnimadooda uu ka shaqeeyaa, waa inuu ahaadaa mid group ka madax banaan waa inuu safiirku hawshii uu dawladda u hayey iyo umadda reer soomaaliland ba dhexda u xidhaa iyo sidii uu umadda ugu hagi lahaa meel qudha,  18 of May yaaney noqon meel ay u soo shaqo tagaan dad hore u dhergay, 18 of may yaaney noqon maalin uu group  qafaasho, maalin lagu xasuusto durbaan, waa waa in lagu  weyneeyaa, looguna duceeyaa dhamaan mujaahidiintii ku dhaawacantey, mujaahidiintii naftoodda u hurtey iyo mujaahidiinta noolba.

Dhaqaalaha loo baratamaayo ee geed dheer iyo geed gaabanba loo korraayo ee 18 of may ee marba group u shiraayo waxa cid walba ka mudan agoontii iyo dumarkii raggoodu u hureen nafahooddii in maalin weyn ee 18 of May aynu helno, Dumarkaa raggoodii ku waayey carruurtaa aabyaashood ku waayey, iyo kuwa u naafoobey waxey daadsan yihiin magaalo walba, cid wax tarta iyo cid darsheeyaa toonna ma jirto, markaa haddii dad ka qadeynayaan maalintan weyn ee 18 of May kuwaas baa ugu mudan oo aanu ugu duceynaynaa.

Illaahey ha u naxariisto Mujaahidiintii noo dhaliyey Maalintan weyn Aamiin Aamiin Aamiin.

Mahamoud Qoorgaab

London UK.

Mahamoud77@hotmail.com