18 May waa maalin qaran waxana loo xusi doona sida ugu habboon

Walaalayaal waxanu sannadkii 2aad qaar ka mid ah mareegaha iyo facebook ku aragnay isla ninkii 2013 Camara sitay oo mar kale laba kamid ah dadka reer UK afka ugu ridaya hadallo been abuur ah oo sheegaya inu safiirku joojiyey Bannaanbax ay dadweynaha reer Somaliland ka samayn lahaayeen UK 18 May 2014.

 Inline image 2

Waxanu halkan ku caddaynaynaa inaanay haba yaraatee jirin cid soo qabanqaabisay bannaanbax oo u timid Safaaraddu, Isla markaana aanay waxba ka jirin wararka noocaas ah ee shabakadaha qaar lagu baahiyey oo loola jeedo in lagu dhex tuuro bulshada si loogu kala qaybiyo.

 

Waxay safaaraddu mar kale u caddeynayneysaa dadweynaha reer Somaliland inay ku taageereyso wax kasta oo ay jaalliyaddu ku muujineyso qaddiyaddooda lama taabtaanka ah maalintaa qaran ee qaaliga ah.

 

Waxananu uga digeynaa dadweynaha reer Somaliland inay fiiro gaara u yeeshan shaqsiyaadka jecel inay falal kala fogeyn ah ku soo dhex tuuraan bulshada isku duuban ee reer Somaliland.

 

Waxa kale oo xusid mudan inu madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud ina faray in sannadkan 18 May lagu sunto waddada halbowlaha ah ee isku xidhaysa Gobollada Togdheer iyo Sanaag, si taa loo xaqiijiyo waxa sannadkan u xilsaaran agaasinka xuska 18 May Guddiyada wadda Sanaag – Togdheer, guddiyada waxa la faray inay hawshaa baaxadda leh sida ugu habboon u fuliyaan iayga oo la kaashanaya jaalliyadahooda qiimaha badan.

 

Guddida ayaa hadda gacanta ku haysa qaabka uu u dhici doono xuska 18 May, mana jirto cid keentay qorshe bannaanbax oo laga diiday. Warka noocaas ah ee ay qaradleyaashu ku faafiyeen web-kuna waa been aan sal iyo raadtoona lahayn.

Guddida ayey u taallaa inay go’aan ka gaadho sida ugu wacan ee loo qabanyo 18 May 2014, taas ayaanaynu kula shaqayn doonnaa insha Allaah.

 

Safaaraddu waxay bulsho weynta reer Somaliland halkan ugu caddaynaysaa inay dabbaal degi karaan, mudaharaadi karaan, una xusi karaan maalintaa qaaliga ah si kasta oo ay qaddiyaddooda ugu hiilinayaan.

 

Ballanteenu waa midnimo qaran, digtoonaan, dabbaal deg iyo deeq mug leh oo waddada loo fidiyo.

 

Allaa Mahad leh,

 

Ali A Awale
Wakiilka Somaliland ee U