SONYO SHALAY IYO MAANTA!!!

 

 sonyo 

SONYO SHALAY IYO MAANTA!!!

Waxaan doonayaa inaan idiin yara faahfaahiyo ururka ku shaqeeya magaca dhalinyarada wadan ee SONYO inuu is bedelay oo uu noqday urur kooto ugu jira cid gaara iyo meel gaara

Ururka SONYO wuxuu ahaa inuu noqdo urur dhalinyarada qaran hadaf kaasi hada meesha wuu ka baxay wuxuuna ka dhiganyahay maqaaxi nin leeyahay oo hada wuxuu udigo rogtay urur shakhsiyaad ay ku baahi baxaan koox yar oo ka mida dhalinyarada qaybo ka mida xaafadaha caasimada ee hargiesa

Urukaasi waxaa laga yaabaa inuu dhalinyarada wadanka u horseedo niyad jab iyo barista maamul xumada sidaas daraadeed waxaa wacan in dawladu talaabo ka qaadao kalsoonida ay ku sheeganayaan heer qarana kala noqoto

Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland wuxuu xaq uleeyahay inuu magacaabo ururka dhalinyarada qaranka laakiin maaha inuu taageero koox yar oo isu urursatay ku baahaysiga magaca guud ee dhalainyarada Somaliland

Waxaan uga baaqayaa dhalinyarada Somaliland gaar ahaan garab haweenka inaanay taageerin ururkaa ku shaqo tegay magaca dhalinyarada Somaliland

Saxaafada madaxa banaan aad baan ugu mahad celinayaa

Hinda ahmed

Hindaqaali_ahmed@hotmail.com

Berbera,saaxil,somaliland

Â