Abwaan Hadraawi Oo Ka Tiiraanyaysan Geerida Ku Timi Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec Ayaa Dhambaal Tacsiya U Diray Eheladii Marxuumka

Daawo Muqaal: Abwaan Hadraawi oo ka hadlay Xaalada Jahawareersan Ee Somaliland Ka Taagan iyo Muranka Golaha Barlamaanka.

Khamiis, March 13, 2014 Hargeysa(SM)-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa Dhambaal Tacsi ah u diray ehelkii, qaraabadii, bahda fanka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo shalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka Jarmalka.

Abwaan Hadraawi ayaa Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec, Alle uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxaya Samir iyo iimaan ka siiyo.

Abwaanka oo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid fanaankii Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaan Maxamed Saleebaan Tubeec, oo ka mid ahaa tiirarka fanka iyo suugaanta Soomaalida, isaga oo fanka ku soo jiray muddo aad u dheer.

Abwaan Hadraawi, ayaa ka mid ah suugaanyahanada uu Maxamed Saleebaan Tubeec ku luuqeeyay heesaha uu hal-abuuray, waxaana la xasuustaa heesta caanka ah ee HOOYO, oo uu hal-abuuray Abwaan Hadraawi isla-markaana uu ku luuqeeyay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec.