ADHI DAASAD (KOOMBO) KAMA ILBAXO:

MAQAAL

Tiro adhi ah (100 neef) Inan yar oo Todoba jir ah ayaa dhammaan hal mar meel isugu wada keenta marka ay ka cabsato in dacawo kuwa cidhifyada xiga ka cunto iyo marka galabtii ay soo hoyneyso . waxaydhulka ugu tuurtaa daasad, marka uu maqlo qababacda daasada  ayuu dhinac kastaba isaga soo yaacaa cabsi darteed. Kama ilbaxo sanqadha koombada ee mar kasta oo daasadaa looga uu sanqadhiyaba uu isu soo dumaa.

Waxa sida adhigan ka ilbaxin MAAWEELADA iyo u BEEN-GUURKA dawlada Siilaanyo maalinba maalinta ka dambeysa la hor u imaaneyso ee an wax ka midha dhalaa jirin SHACABKEENA. Kama waantoobaan balan qaadyo iyo mashaariic aan la fulin oo dhagax la dhigo. Wadooyinka ay dadku iskood ugu istaageen dhismahooda ee  markey aragtey dadka oo wax qabsanaya, wax yar ku darsato sidii sheydaankii midhaha dadku beerto hal firi ku darsanayey, ka dibna intay maqas weyn soo qaataan kala badh golaha wasiiradu u soo labistaan ku faana oo ku magacaaba waxqabadka xukuumada. Waxa xukuumadda looga fadhiyaa Cashuurta xad dhaafka ee ummadda dhabarka lagaga jabiyey in wax ay ku qabtey la helo kamase soconeyso in waliba jeebka dadka ku soo noqoto, misna magac iyo kasooni kaga raadiso kolka ay doorasho soo dhawaato ama aragto in jaceylkii iyo kalsoonidii loo heyey ay hoos u sii socoto.

Haddii an xasuusteenawax yar dib ugu celino waqtiyadii taliskii Siyaad; waxa uu golaha kacaanka iyo ka xukuumadiisa u kala diri jirey Gobolada dalka oo hadalo balan qaadyo,rajo galin iyo xamaasad isugu jira balse aan madashaa iyo dabnaha dhaafsaneyn ku soo harqin jirey.

Haddaba, siilaanyo oo muddo dheer ka mid ahaa golihii Siyaad, waayo aragtidii uu ka dhaxley macalinkiisii ayuutabahiisii boodhka ka jafey maanta.

Waxa la yaab ah ummadda arki la’ musuqa, Eexda, Maamul xumada, Kali talsnimada, Amaan la’nta iyo biyo la’aanta caasimada dawlada xarunta u ah ka jirta ee ammaanta iyo sacabka ula safan. Biyaha Caasimadda ma galin karo; Dekado, Jidka Boorama iyo Lawyacado uu dhisi karaa! Midkee fudud labadaa?  Ninka taa rumeysan ee u riyaaqsan;  Ma ka Run baa? Mise maaweelada caruurta, Siilaanyo iyo Xertiisu jilayaan ayuu fahamey oo isaguna dhinaciisa ka matalayaa?

Waan yaabee, Idinkuna ma Ila yaaban tihiin!…. Minaad yaabto.  Yaasiinka……………Yaasiinka.

Socdaalkani Aw Bustaale wuxu daaran yahey, waa in :

1)       Dadka laga dhaadhiciyo in Odeygu uu wali xoog yahey dhinac walba, si mar kale loo doorto ama loogu kordhiyo waqtiga.

2)     In balan qaadyada aan midha dhali doonin sida kuwii hore; uu dadka aan waligood ka ilbixin waxyaabihii marar badan ay u soo joogeen ka koreyn, mar kale quluubtooda ku hanto xaaladiina iyo ta dalkaan u kuurgalayaa.

3)    In inta aan xisbiyada mucaaradku ololahooga bilaabin dadka uga horeeyo, waan sababta looga horjoogsadey in ay Gobolada booqdaan si aaney uga waramin xaqiiqada dalka ka jirta.

Hadal iyo Murti;  “Ninkaan Quusan Isagaa Quus ah.”

ALLAA   MAHAD  LEH.

Abdi Geireh

ageereh@yahoo.com.