Al Shabaab oo Ciidamada Itoobiya ku eedeysay in ay u xuub siibanayaan Dekeda Magaalada Kismaayo

Ururka Al Shabaab oo la dagaalan kula jira Ciidamada Dowladda Itoobiya, ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay ku eedeeyeen in uu qorshahoodu yahay, sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Dekeda Kismaayo.

Sheekh C/qaadir Cali Muumin oo ka tirsan Saraakiisha Dacwada ee Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay in damaca Itoobiya uu yahay, la wareegida Magaalo Xeebeedka ee Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Magaalada Kismaayo la geeyay Ciidan ka socdo Dowladda Burundi, wuxuuna intaa raaciyay in Kismaayo loo geeyay Ciidamadaasi, sidii ay ugu sii simmi lahaayeen Ciidamada Itoobiya, ee ku sii jeeda sida uu yiri.

Dhanka kale waxa uu sheegay in dagaalka looga qabsaday Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ay horkacayeen Saraakiil u dhashay Mareykanka, isla-markaana ay haataan jooggaan Qoryooley, sida uu yiri.

Sheekh C/qaadir Cali Muumin oo la hadlay Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa xusay in Ciidan Mareykan oo qaas ah, ay jooggaan Degmada Qoryooley, sida ay u sheegayaan sida uu hadalka u dhigay Idaacadahooda.

Â