Al Shabaab oo galabta seddex nin ku toogatay Fagaare ku yaala Degmada Baraawe

image

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay galabta seddex nin ay xukun qisaas ah ay ugu fuliyeen Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay ku eedeeyeen jaajuusnimo.

Toogashada oo ka dhacday Fagaare ku yaala Degmada Baraawe, ayaa waxaa soo buuxiyay boqolaal ruux oo ka tirsan dadweynaha ku dhaqan Degmada Baraawe.

Gawaadhi lagu soo xidhay cod baahiye-yaal oo maanta gaaf wareegaayay Degmada Baraawe, ayaa dadka reer Baraawe ku wargeliyay in ay galabta dhici doonto xukun qisaas ah, ayna isugu soo baxaan Barxadda Baraawe.

Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo la hadlay dadkii isugu soo baxay xukunka qisaasta, ayaa waxay ragga la qisaasay ay magacyadoodu ku kala sheegeen C/raxmaan C/ladiif Axmed 23 sano jir. Maxamed Geelle Cabdulle 29 sano jir iyo Axmed C/laahi Maxamed (Faroole) oo 47 sano jir ah.

C/raxmaan C/ladiif Axmed waxay Shabaabku ku eedeeyeen in uu u basaasi jiray Dowladda Federalka ee Soomaaliya, kana shaqayn jiray sidii loo soo qab qaban lahaa ragga Shabaab ka tirsan, ee miinooyinka ku aasaaya Deegaanada, ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Geelle Cabdulle sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerarkii, ay Ciidamada Commandos-ka Faransiiska ku qaadeen Degmada Buulo Mareer, si ay ugu soo furtaan Sarkaalkii lagu heystay. Ninkaan, ayay sidoo kale ay Shabaabku ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay duleedka Degmada Jilib, laguna dilay Sarkaal Shabaabka ka tirsanaa.

Axmed C/laahi Maxamed (Faroole) oo ay Shabaabku sheegeen in uu adeer u yahay Madaxweynihi hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, uu isna ka shaqeynaayay, sidii dhabar jebin loogu samayn lahaa Ciidamada Shabaabka, ee ka dagaalamaaya Deegaanada Buuraleyda ee Galgala.

Ururka Al Shabaab, ayaa dhowr goor oo hore xukuno dil ah ugu fuliyay dad ay ku eedeeyeen, in ay u basaasayeen Dowladda Soomaaliya, Amisom iyo Wadamada Reer Galbeedka.

Salaanmedia/Mogdisho