Al-Shabaab oo ka hadlay dilkii loo geystay 8-Oday oo Buurhakabo agteeda lagu dilay

alshabab344

Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen dilkii shalay loogu geystay Gobalka Baay Odayaal kasoo tagay Magaalada Baydhabo, kuna soo socday Shabeelaha hoose iyo Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa usheegay warbaahinta Al-Shabaab inaysan iyaga masuul ka aheyn dilkii loo geystay 8-Oday oo shalay maqribkii lagu dilay deegaanka Jameeco oo hoostagta Degmada Buurhakabo ee Gobalka Baay.

“Mujaahidiintu wax lug ah kuma laheyn dhacdadii Buurhakaba ee dadka 8-da qof gaaraya lagu dilay”Ayuu yidhi sarkaal u hadlay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in dilkaasi ay ka dambeeyeen Kooxaha siyaasada isku haysta ee Magaalada Baydhabo ku sugan, waxaana si weyn ay isaga fogeeyeen ku lug lahaanshaha falkaasi.

Taliyaha ciidanka Booliiska Gobalka Baay, Col.Mahad C/raxmaan oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa wuxuu sheegay in dilka Odayaashaasi ay ka dambeeyeen sida uu yidhi Ururka Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ka dagaalanta.

Col. Mahad C/raxmaan ayaa wuxuu sheegay in hada aysan Soomaaliya ka jirin cid aan Shabaab aheyn oo wax disha, maadaama sida uu sheegay dilkii la isku geysan jiray laga soo gudbay, balse hada ay dadka laayaan kaliya Al-Shabaab.

Ilaa hada lama hayo xaqiiqo rasmi ah oo ku aadan cida sida dhabta ah uga dambeysay dilka Odayaashaasi, waloow Shabaab ay iska fogeeyeen inay ku lug leeyihiin dilka Odayaashaasi.

Salaanmedia/Mogdisho