Allah ha u naxariistee Boqorkii Codka Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku dar-daarmay in lagu aaso Magaalada Berbera, kahor intii aanu dhiman.

Maxamed_Saleebaan_Tubeec_Xanuunsan_1

Inkastoo ay dadku isweydiinayaan halkii lagu aasi lahaa Fanaankii weyn ee Soomaaliyeed ee  ka baxay shacabka Somaliyeed, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar sheegaaya, in uu ku dardaarmay in lagu aaso Magaalada Barbera.

Faysal Maxamed Saleebaan, ayaa wuxuu xalay sheegay in Aabihii uu ku dardaarmay kolka uu geeriyoodo, in lagu aaso Magaalada Barbera, isagoo intaa ku daray in aabihii uu ku soo barbaaray Magaaladaasi.

Faysal Maxamed, ayaa wuxuu kaloo sheegay in caruurta uu dhalay Tubeec, ay ogyihiin in aabahood uu kula taliyay in meydkiisa laga dejiyo Magaalada Barbera, si loogu aaso.

Sidoo kale muusan sheegin in aabihii si rasmi ah loogu aasi doono Magaalada Barbera iyo in kale, balse waxa uu sheegay in Odayga dardaarankiisu uu ahaa, in lagu aaso halkaasi.

Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaan ka hadlin qorshaheeda ku beegan halka lagu aasaayo hobolka shalay ku geeriyooday Isbitaalka Wadanka Jarmalka ku yaala.

Somaliland dhankeeda kama  hadlin in meydka Boqorka Codka la keeni doono Magaalada Barbera iyo in kale, haddii uu ku dardaarmay in lagu aaso halkaasi

Allah ha u naxariistee Fanaankii  geeriyooday, ayaa waxa jiray 73 sano jir, iyadoo uu ifka kaga tagey 7 caruur ah, sida ay sheegtay gabadha uu dhalay ee Ismahaan Maxamed Saleebaan.

Salaanmedia/London