Amaanta Hadraawi Ee Siilaanyo Waa Qabyaalad Cad.

Salaan ku socota bahda mareegtan iyo dhamaan reer Somaliland inta ka nadiifka ah qabyaalada iyo qudhunka

Daawo Muqaal: Abwaan Hadraawi oo ka hadlay Xaalada Jahawareersan Ee Somaliland Ka Taagan iyo Muranka Golaha Barlamaanka.

Waxaan akhristay wareysi ay ka qaadey Hadraawi mareegta Somalilandtoday.com oo iyadu ku hadasha afka dowlada maalinba u sii eekaanaysa Xidigtii Oktoober ee kacaanka Maxammad Siyad Barre amaantiisa ku aacn ahyed

 

Waa kuma Hadraawi. Hadraawi oo badi reer Somaliland u yaqaanaan abwaan weyn oo qayb libaax ka soo qaatey halgankii dib u xoraynta Somaliland kana tirsanaa ururkii xaq u dirirka SNM ayaa isagu baryahan dambe afka ka xidhay canaanta maamul xumada inaadeerkii Siilaanyo oo la soo baxey dhaqamadii duqa Afweyne ee uu Hadraawi u gabyi jiray, Hadraawo oo hoosta ka ah Somaliweyn ayuu Siilaanyo u diray Xamar isaga oo sida lacag laga soo uruuriyey maatada Somaliland oo u dhiganta $500,0000 ama milyan badhkii oo deeq ah waxaana wafdiga madax ka ahaa odaygan Hadraawi ee u ku hawlan midnimo Soomaaliyeed oo dambe.

 

Hadaba akhriste miyaanuu Hadraawi munaafaq ahayen mar haduu ka horyimi halgankii uu hormuudka ka ahaa. Sakaaro saxaro muuqata ayey is tidhaahdaa aas, taas oo ka dhigan qabyaaladan ay ku dhaqmayaan shakhsiyaadka ka soo jeeda beesha Siilaanyo oo sax iyo qaladba ku raacsan, bulshada oo la yaaban Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal oo inqilaabka inadeerkii dartii dalka debeda uga maqnaa ayuu Hadraawina ku biiray kacaankan cusub

 

Arrinkuna waa Xataa anta yaa Hadraawi sawdigii lahaa

 

Shilkan baahay aashii halisahan gun iyo baar Bari iyo Galbeed yaal, jidka lagu boqooliyo bilqashada dareenkiyo bara-kaca aqoontii, dabinnada is biirsaday nin baraystay falashada iyo buunka sixirrada iyo badalli-oogsiga bixisada la aaminey, buhashaa ka salagloo beryo hore sidoodii ama beelihii Caad marka doobi buuxsamo burburkaa yimaaddee,

 

Hadraawi

Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh

Guuleed Buraan gburaan@gmail.com