Amiirka Al Shabaab oo ka hadlay qorshaha Ciidanka Itoobiya ugu biireen Amisom

Hogaamiyaha Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed “Godane”, balse isu magacaabay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan “Abuu Zubeyr”, ayaa waxa uu ka hadlay Ciidamada Dowladda Itoobiya, ee ku biiray Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Hogaamiyaha, ayaa sheegay in duulaanka lagu hayo Ummada Muslimiinta ee Geeska Afrika, mar kasta loo adeegsan jiray sida uu sheegay Ciidamada Dowladda Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay ahayn markii ugu horeysay oo ay Ciidanka Itoobiya ku soo duulaan buu yidh i dalka, isagoo sheegay in markii ugu horeysay ay tahay Qarnigii 16-aad, oo ay Ciidanka Itoobiya dagaal la galeen Imaam Axmed Gurey, xilli uu sheegay in Itoobiya ay taageero ka heleysay Reer Galbeedka.

Ujeedada xilligaan ay Ciidamada Itoobiya ugu soo laabteen Soomaaliya, ayuu ku sheegay shan arrimood oo kala ah.

1-In dalka inta hartay Itoobiya iyo Kenya loo kala qaybiyo, iyadoo gabood laga dhiganaayo Maamul Goboleedyo.

2-In Kheyraadka dalka la boobo, si toos iyo si dadbanba, iyadoo la maraayo Maamul uu ku sheegay maqaar saar.

3-In lala dagaalamo ku dhaqanka Sharci Alle ee ka hirgalay Wilaayaadka Islaamiga, Ummadana loo diido in ay nabad ku hesho Diinteeda.

4-In Wadanka mar labaad laga huriyo colaad ku saleysan deegaamo iyo beelo, kadib markii Alle Sharcigiisa ay Ummada ku midowday.

5- Sidii Itoobiya ay ku xaqiijin laheyd riyadeedii ahayd, in mar uun cagta dhigto Xeebaha Somaliya

Godane, ayaa sheegay in weerarka ay Ciidamada Itoobiya la beegsanayaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Shabaabka, uu noqon doono mid ay natiijadiisu fashil noqoto.

 

 

Â