Askar Ka Tirsan Boliska Bristol Oo Somalida Hore Ugu Gefay, Ayaa Maanta Soo Booqday Maqaaxidii Iyo Dadkii Ay Ku Gefeen Si Ay U Raali Galiyaan

Kaysar Iyo Booliiska BiristolSalaasa, March 11, 2014 Hargeysa(SM)-Iyada ooo dhawaan dhawr Askari oo ka tirsan Ciidanka Boliska ee Magaalada Bristol ay galeen Maqaaxi la yidhaa Star oo Soomaalidu ay leedahay oo ku taal Xaafada Easton oo ay dadkii fadhiyay waydiiyeen waraaaha sharcigooda, taasoo aanay xa u lahayn, isla markaasna arrintaasi uu Raali galin ka bixiyay Taliye xigeenka Boliska magaalada Bristol Chief Constable Superintendent Mike oo uu soona booday Maqaaxidaasi ayaa maanta waxa uu soo kaxeeyay Askartii gefka Samaysay oo uu ka dalbaday inay Maaaxidaas yimaadaan raali gelina ay siiyaan dadkii ii ay ku gefeen.

Waxaana Askartaas oo uu Taliye ku xigeenku la socday oo aan Wehelinayay aanu wadajir u booqanay Maqaaxidaas, waxaana Askartii gefkaas ku kacday ay dhamaantood raali gelin siiyeen dadkii Somalida ahaa e Maqaaxidaas joogay.

Waxa ay sheegeen inay si khalad ah u yimaadeen Maqaaxidaas oo ay meel kale ku socdeen, waxaanay iyaga oo ka xun sheegeen inaan khaladkaasi mar kale dhici doonin raali gelin weyna ay ka bixinayaan, waxaana xubnihii Jaaliyada ee meesha joogay ay aqbaleen raali gelintaas.
Kaysar Iyo Booliiska Biristol2
Sidii aan hore u sheegay waxa kale oo aanu isla garanay in la bilaabo tababar ku saabsan dhaqanka, diinta iyo hidaha Soomaalida oo la siin doono dhamaan Boliska magaalada Bristol oo kumanaan gaadhaya, taasoo wax weyn ka tari doonta xidhiidhka u dhaxeeya Boliska iyo Dadka Somalida ah.

Waxaan u Mahadnaqayaa Taliye Xigeenka Boliska Bristol Deputy Chief Constable Superintendent Mike Prior iyo Keith Openshaw oo talaabo aad u haboon oo ku dayasho leh ka qaaday askartaas geftay, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Jaaliyada sida fiican ee ay aqbaleen Raali gelinta iyo waliba sharafta ay muujiyeen.

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa dhamaan Jaaliyadaheena ku nool UK in marka lagu khaladamo aanay iska aamusin ee ay nala soo socod siiyaan si aanu wax uga qabano, hadii kale Askarigaas gefay wuxuu sii wadan doonaa khaladkaas uu ku kacay.

Waad mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com