Axmed Madoobe oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin Gobolada Jubbooyinka

juba

Hogaamiyaha Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa wuxuu markii ugu horeysay uu xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya, ay imaanayaan Gobolada Jubbooyinka.

Hogaamiyaha, ayaa wuxuu tani ku macneeyay mid qayb ka ah hawlgalada lagu doonaayo in Ururka Al Shabaab looga sifeeyo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Addis Ababa, lana kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen hawlgalada lagu wiiqaayo Al Shabaab.

Sheekh Axmed Madoobe oo la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaan wax walaac ah ka muujin imaanshiyaha Ciidanka Militariga Itoobiya ee Gobolada Jubbooyinka.

Mar wax laga weydiiyay waxa uu Maamulkiisu u wareejin waayay Garoonka iyo Dekeda Kismaayo, ayuu sheegay in waxyaabo badan oo horeeeyay in la qabto, aan waxba laga qaban.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu wax dhib ah ka dhex jirin Dowladda iyo Maamulka Jubbba, isla-markaana ay ku hawlan yihiin in marka hore wax laga qabto, waxyaabaha ka horeeya in Dowladdu lagu wareejiyo Maamulka Garoonka & Dekeda Kismaayo.

Afhayeenka Maamulka Kmg ah ee Jubba Col. C/naasir Seeraar Maax, ayaa toddobaadkii tagey sheegay in Dekeda Kismaayo, ay la mid tahay Dekedaha Boosaaso iyo Barbera.

Salaanmedia/Mogdisho