BAAQ KU SOCDA DHAMAAN TAAGEERAYAASHA WADANI EE DEGAN DALKA UK

BAAQ

Waxaa  dhamaan taageerayaasha xisbiga waddani ee degan UK iyo Jaliyada Somaliland ba la ogaysiinayaa in Gudoomiyaha Xisbiga Waddani isla markaana ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane ABDIRAHMAAN CIRO  iyo wafti uu hogaaminaayo oo ka kooban shan xildhibaan ku imanayaan booqasho dalka Ingriiska. Waxay  ku soo began yihiin  29ka bisha Maarso 2014, waxayna  ka degayaan  gegada diyaaradaha ee  Heathrow  Airport Terminal 3 sacaada 7:00 aroornimo.

Waxaa taageerayaasha laga codsanayaa inay ka soo qaybgalaan soo dhawaynta gudoomiyaha iyo waftigiisa.

ALLAA MAHAD

Gudoomiyaha Saxaafada Wadani UK

Mahdi jama Roble