Baaq ku socda shacabi waynaha Somaliland .

DSC00403

 

Waxaa Mahad iska leeh Allaha inoo suuro galiyay hor umarka iyo Nabada aan hasyano ee aynu dheer nahay wadamada geeska africa, waxase Amaan mudan shacabi wayanaha Somaliland oo ah kuwo jecel hor umarka dalkooda,

Waxaa inagu soo food leh Malin la mid ah Maamaha ILAHAY balse shacabi waynaha Somaliand ku wayn quluubtooda maalintaas oo reer somaliland gudo iyo dibadba ay si wayn u xusaan,  waa 18 MAY oo ay inooga hadheen ayaamo tirsan, waxaana dhamaanteen inagu wada waajib ah in loo diyaar garoobo 18 may,  u diyaar garowgaan isaga oo uu hore u jiray balse kan manta ma is waydiseen Muxuu kaga duwanyahay kuwii hore ee sanadihii tagay.

Sida aad ka wada war qabtaan 18 may waa maalin ku xardhan qulubta shacabi wyanaha Somaliland , waa maalin ku suntan tariikhda Somaliland , waa maalintiii laga soo bad badiyay in ay Somaliland ku dhacdo god madow, waa malin jilal badan dhirii gali doonta,  Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulsho waynta Somaliland.

Balhadaba maanta iyada oo la xusi doono sanad guuradii 25aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Gooni isu taaga Jamhurida Somaliland, waxaa mudan in ay noqon doonto  xusida maalintani malin ka duwan sanadahii hore!!!! Sida aad ka wada war qabatan caleenkeena Somaliland dhib laguma keenin waxaana kujirta astaan aad inogu wayn taas  qaybta casaanka ah  oo muujinaysa in uu yahay dhigii iyo dhibkii u soo datay calankan oo ah waxa maanta halkaas ina soo gaadhsiyay,

Habada waxaan u soo jeedinayaa in ay bulsho waynta somaliand malintan inagu soo fooda leh ay wada qataan astaan cas taas oo mujinaysa in aysan dib ugu laban doonin wixii soo maray , in ayna ilaabi doonin dhibtii loo soo maray caanka Somaliland  , iyaga oo mujinaya dareenkooda muwaadinnimo oo ay dhamaan wada qataan madaxana ku qataan astaan cas masar ama koofiyado, taas oo keeni ku keeni doonta indhaha beesha calamka in dhamaan shacabka Somaliland ay u qateen ICTRAAF raadinta qaranka weer cas taas oo ay dhamaan ka midaysanyihiin midnimada, iyo Jiritaanka Somaliland

Ugu danbayntii waxaan idinku boorinayaa in yadan dhaya san in aad dhamaantiin mujisaan mabda idinka wada go’an ee ah in mar uun ay rumoobi doonto in ay Somaliland hesho ICTRAAF buuxa..

 

Allaha Mahad Leh,

Bintu Somaliland

Ilham Hassan Ali (Faleebo)