BAYAAN”Waanu Ka Xunnahay In Wasiir Xirsi Ku Dhex Dhaco Gole Aan La Isku Raacsanayn” Bayaan Dhallinyarada Bariga Caasimadda Hargeysa

image

”Waanu Ka Xunnahay In Wasiir Xirsi Ku Dhex Dhaco Gole Aan La Isku Raacsanayn” Bayaan Dhallinyarada Bariga Caasimadda Hargeysa

March 7, 2014 

Hargeisa(SM)Bayaan ay maanta (07/March/2014)soo saareen aqooyahanno ka tirsan Dhallinyarada Bariga Hargeysa ayaa lagu caddeeyay mawqifka ay ka taagan yihiin munaasibad ay toddobaadkii hore soo qabanqaabiyeen Ururka Tabantaabo oo ka shaqeeya horumarinta Deegaanka Bariga Hargeysa, oo uu ka qayb-galay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan. Qoraal arrinkaas ku saabsan oo soo gaadhay Laanta Warbaahinta ee Akadamiga Suugaanta iyo Waxbarashada ayaa u dhignaa sidan

“Annaga oo ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee Bariga Hargeysa, waxa 28/02/2014ka lagu qabtay Kaah Hotel munaasibad lagu sheegay in ay soo agaasimeen Ururka Tabantaabo oo ka shaqeeya horumarinta Deegaanka Bariga Hargeysa,  oo lagaga hadlayay baahiyaha waxbarasho ee deegaanka Sabawanaag. Madashana waxa lagu casuumay masuuliyiin deegaanka u dhashay iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxa aanu halkan ka cambaaraynaynnaa shirkaas oo ahaa olole aan heshiis lagu ahayn, ayna soo abaabuleen qayb ka mid ah Ururka Dhallinyarada Tabantaabo oo ah urur samafaleed siyaasadda ka madax-bannaan, laakiin ayaamahn u xuubsiibtay garab ka mid ah loollanka siyaasiga ah ee dalka ka jira si badheedh ahna ula saftay Xisbiga Talada haya.

Waxa aanu ka xunnahay in la majare-habaabiyay agaasinka munaasibaddan, iyada oo la baahiyay in lagaga hadlayo horumarinta deegaanka Sabawanaag, hadafka rasmiga ahina uu ahaa in Wasiir Xirsi iyo xukuumadda loo muujiyo inay taageero ka haystaan deegaannada Bariga Hargeysa. Waxa yaableh in masuulka qaran lagu dabo in la bixinayo lacagtii Waddada Ceerigaabo si uu golaha u xaadiro, waxaanay ahayd laac aan sal iyo raad lahayn.

Dhallinyaro ahaan waxa aanu leennahay

1.Waa wax laga xumaado in arrin ay wataan shakhiyaad gaar ahi lagu tilmaamo dan guud

2.Ma aha wax aanu ogeyn, qabsoomiddiisana waanu ka soo horjeednaa

3.Ummadda Somaliland waxa aan ka raalli-gelinaynaa natiijadii shirkaas ka soo baxday

4.Shacbiga muwaaddiniinta ah ee jecel horumarka, nabadda iyo walaalnimada, waxa aanu ogeysiinaynnaa in aanu qaban doonno kulan ka mug weyn kaas dhinaca u janjeedhay

5.Masuuliyiinta Xukuumadda kaga jirta Deegaanka Bariga Hargeysa waxa aanu ugu baaqaynayaa in ay si kale u raalli-geliyaan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, isla markaana aanay dhex keenin fagaare bulshada deegaanku isku diiddan tahay”

Bayaankan waxa soo saaray

Maxamuud Farxaan Cabdillaahi Guddoomiyaha Dhallinyarada Talo iyo Tawfiiq

Xasan Axmed Xasan (Dhako) Af-hayeenka Dhallinyarada Talo iyo Tawfiiq

Deeq Cabdillaahi Cawaale,  Xoghayaha Maaliyadda Dhallinyarada Talo iyo Tawfiiq

Engineer Qaasin Ismaaciil Xasan

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac

Axmed Faarax Caynaanshe

Ibraahin Aw Aadan Qoobey

Cabdiqaaddir Cali Xaaji Muuse

Maxamed Cabdi Jaamac (Xiddig)

Mubaarik Aadan Bahal

Cabdirisaaq Maxamuud Muxumed (Geed)
Engineer Xamse Maxamed Ismaaciil

Salaanmedia/Hargaysa