Beelaha Darafyada oo Qaadacay Saami Qaybsigii Ergooyinka Xisbiga Kulmiye iyo Xaraarada Murankiisii oo laba kaclaysay

Kulmiye-logo-138x145

Hargaysa 18.March 2014 (SM)- muran ayaa shalay ka soo cusboonaaday qaabkii saami qaybsiga Ergooyinka Xisbiga Kulmiye ee dhawaan loo gudbiyey Hogaanka Xisbiga Kulmiye kadib markii uu shalay xubin ka mid ah guddida qaban qaabadu soo jeediyey Hindise uu ku doonayey in Beelaha qaarkood Saamiyo laga dhimo isla markaana lagu kordhiyo mid ka mid ah Beelaha.

Ilo wareedyo u dhuun daloola qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in shalay buuq iyo muran dhex maray xubnaha Guddida qaban qaabada oo intooda badani saxeexday Saami qaybsigii ugu danbeeyey ee saxaafadda lagu soo bandhigay, waxaanay wararku sheegayaan in ay ka dareereen Xubnaha guddidaas ugu jira Beelaha ka soo jeeda Goboladda Galbeed iyo Goboladda barri kuwaas oo Ergooyinkoodu ay kala ahaayeen 106 iyo 113.

Tirada guud ee Guddida qaban qaabada ayaa ah 27 xubnood oo lagu soo xulay saami qaybsi, waxaanay xubin kastaa marka laga tago danta guud ee Xisbiga si hoose ugu dagaalamaysaa Beesheeda ama Gobolkeeda si ay ugu goyso Ergooyin muhiim ah oo shirweynaha uga qayb gasha, taasina waxay keentay in kolba Liiska la soo dhigo qolo ka cadhooto, iyadoo Liiskii u danbeeyey uu ahaa sida ay ku doodayaan Xubnaha ka dareeray kulankii shalay ka ugu dhaw ee dadku ku wada qanci karaan.

Dhinaca kale, Xisbiga Kulmiye waxa wali dabar kale ku ah xulista xubnaha Guddida Fulinta oo aan illaa hada wali lahaynin Liiskooda, iyadoo dib loo dhigayo shirweynihii Xisbiga muddo aan la cayimin oo ku beegmaysa soo noqoshada safarka Madaxweynaha, kaaasoo lagu wado in toddobaad fursad loo siin doono in uu kaga soo qayb galo.

Labada Liis ee Ergooyinka iyo Guddida Fulinta ayaa saamayn ku leh illaa hada qabsoomida shirweynaha Xisbiga Kulmiye kuwaas oo haddii aan laga gudbin keeni kara in wakhti dheer dib loogu riixo qabsoomidiisa.

Salaanmedia/Hargaysa