Beesha Gaashaanbuur Ee Warsan-geli Oo Shaacisay Inay Go’aansadeen Inay Si Buuxda Wax Ula Qabsadaan Somaliland + SAWIRRO

March 24, 2014 Hargeysa(SM) – Beesha Gaashaan-buur oo ka mid ah beelaha Warsan-geli ayaa maanta soo gabo-gabeeyay shir wada tashi ahaa oo uga socday degmadda Buraan ee barriga Sanaag saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Beeshu waxay shirkaasi ka soo saartay qoddob ay ka mid yihiin inay si buuxda u taageeraan waxna ula qabsadaan xukuumadda Somaliland, waxaanay daboolka ka qaadeen inay cawda u gooyeen xidhiidhkii wada shaqayneed ee hore uga dhaxayn jiray maamul-goboleedka Puntland.

Markii uu soo dhamaaday shirkaad jaraa’id waxa calanka Somaliland la saaray Saldhiga Booliska, Dugsiga sare iyo Xarunta caafimaadka degmadaasi.

“Qodobadii ka soo baxay Shirkii wadatashi ee Beesha Gaashaan buur ee lagu dhawaaqay.

1.In si buuxda beeshu ugu biirto waxna ula qaybsato Jamhuuriyada Somaliland.

2.In si buuxda loo jaro dhammaan xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyey beesha iyo Maamulka Puntland.

3.In Booqashadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku tegay degamada Laasqoray ay ahayd mid taariikhi ah soo dhoweyna mudan .

4.In Xuduudaha, Madaxbanaanida iyo Midnimada Somaliland ay yihiin lama taabtaan muqadas ah Ciidamada Qaran-kuna xil gaar ah iska saaraan sidii ay u sugi lahaayeen.

5.In Booqashada la hadal hayo ee Madaxweynaha Puntland ku doonayo inuu yimaado Degmada Badhan ay tahay mid aan la aqbali karin carqaladna ku ah deganaanshaha iyo Nabadgelyada Gobolka wixii dhibaato ka dhashana masuuliyadeeda uu qaadi doono maamulka Garoowe.

6.In dhammaan Xafiisyada maamulka Puntland ee ku yaala Deegaanada beesha (Buraan, Ceelaayo, Balibusle iyo Cawsane ) iridaha la isugu dhufto muddo bil gudaheed ah, laguna bedelo xafiisyo dawladda Somaliland.

7.In si gaar ah looga hadlo arrimaha Ciidamada iyo qaramayn-tooda.

8.In la dardargeliyo wadahadala u socda Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Beesha Gaashaan-buur, dhinaca beeshana loo igmaday 11 Xubnood .Gudoon Wacan.Shir-661Shir-681Shir-69Shir-67Shir-66Salaanmedia/Hargaysa