Bogga Boobe iyo Hadal Haynta Maamahan ((Waaxda Garsoorku waa Maxkamadda Sare ee ma aha Wasaaradda Garsoorka)

Boobe iyo Hadal Haynta Maamahan ((Waaxda Garsoorku waa Maxkamadda Sare ee ma aha Wasaaradda Garsoorka)

 

Bogga Khamiislaha Boobe Tirsiga Shanaad

“Jirka deyrta hooriyo,

Dirirrada gu’gii baa,

Dunida u sinnaynoo,

 Cadli baa wax doojee,

Wax kaloo rag deeqoo,

Dadka lagaga  eed baxo,

Nin u doonay heli waa,”

 

Daba-taxan, 5/1/97kii, Gaarriye

 

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

6/3/2014ka, Hargeysa

Aragtida Xukuumadda ee Garsoorka

(Waaxda Garsoorku waa Maxkamadda Sare ee ma aha

maxkamada SareWasaarada CadaaladaWasaaradda Garsoorka)

 

Haa…..Cabashadu waa ay badnayd….in badan

ayaa meelo badan oo door ah laga dardaar-weriyay. Ka hadli meynno hirar hoose iyo hadimada aan hadhayn ee hagardaamada ku  ah Qarankan curdinka ah. Ka hadli meynno hay’adaha shiiqay shadaaftana loo laabay iyo hebellada halkoodii galay ee sidii gaaraa-bidhaanka hadba meel ka huraaya. Shalay waxa baaq dheer ku cabanayay qayb ka mid ah Xeer-dejintii oo ah Golaha wakiillada. La-ye waxay ku andacoodeen faro-gelin qaawan oo kharashaysan oo lagu minjo-xaabinayo karaamadii iyo xilalkii Golaha Wakiillada. Daahir-yaa-shamis iyada oo aan indhaha la iskaga duwayn ayaa qayb ka mid ah Fulintu ku shiraysay Guriga Madax-weyne ku-xigeenka. Is-na maba qarsan ee war-baahinta ayuu kaga doodayay, maxaa ku jaban haddii gurigayga lagu shiro. Geesta kalena Madaxweynaha ayaa ka lahaa annagu wax faro-gelin ah kuma haynno Golaha Wakiillada, waanay u madax-bannaan yihiin hawlahooda. Waa labadii xil ee dalka ugu sarreeyay ee ay dadku doorteen kuwaa isku keen feeraarinayaa. Subxaan! Tanina ma inoo dambaysay.

Boobe

1/3/2014ka ayaa HCTV wuxu baahiyay eedayn hor leh oo bahda Garsoorku ku sheegayso faro-gelin ay xukuumaddu ku hayso garsoorka. Saddex Garsoore ayaa shaashadda soo fadhiistay iyaga oo sheegay xataa in qaar Wasiirrada ka mid ahi ay u soo qoreen qoraallo rasmiya oo ay amarro ku siinayaan Garsoorayaasha iyaga oo adeegsanaya lahjaddii nidaamkii galbaday ee Siyaad Barre oo leh : “Waxa lagu farayaa……..”

1/3/2014ka, warkii habeennimo ee HCTV waxa markii hore soo fadhiistay Wasiiru-dawlaha Amniga oo ku eedaynayay bahda Garsoorka in ay go’aammo ka qaateen arrimo badan oo xasaasiya oo aanay ka fiirsan. Isaga oo aan si’ fiican isu daaficin ayuu eedaynayay Garsoorka.

Wax yar ka dib ayaa shaashadda la soo dhigayaa sawirka Madaxweynaha oo khamiis cad xidhan iyo war rasmiya oo ka soo baxay Madaxtooyada oo sheegaya in aanay Xukuumaddu wax faro-gelin ah ku haynin Garsoorka.

Su’aasha ugu mudan ee la is-weydiinayaa waxay tahay marka ay Wasiir iyo Madaxweynihiisii u kala dambaynayaan shaashadaha TV-iiyada miyaanay xukuumad ahaan iska war-qabin? Haddii ay wax dhacaan oo loo baahdo in ay Xkuumaddu jawaabto miyaanu jirin marin arrintaa loo maraa iyada oo aan la kala hadlayn? Sidee ayay Wasiir iyo Madaxweyne iyaga oo aan is-ogeyn isla habeen daqiiqado u dhexeeyaan shaashad uga soo wada baxaan iyaga oo aan si’ lagu qanco dadka wax ugu sheegin? Ama aan si’ maan-gal ah iskaga difaacin eedihii qoraalka ahaa ee loo soo jeediyay.

Aragtida ay Xukuumaddeenna Kacaan-u-eg ka qabto Garsoorka dalka waxa marag cad u ah labada sawir ee dusha kaga yaal maqaalkan. Awoodaha ugu sarreeya ee Qaranku waa saddex: Waa Garsoorka oo mudnaanta koowaad leh, Waa Xeer-dejin iyo Fulinta. Shaki kuma jiro in Fulintu oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyaa isu dhigtay in ay iyadu wax walba iska leedahay. Waxay isu dhigtay in ay dal iyo dadba leedahay. Waxay isu dhigtay in aan loogu iman cashuuraha iyo hantida ummadda. Hadda dadweynuhuna  waxay u haystaan in yihiin adeegayaal shacbigu doortay oo dirtay. Ma dadkii ayay isla rogtay.

Waa xaqiiqo dhab ah oo aan laaxin laga jarayn. Garsoorku waa arradan yahay. Wuu abaaday oo eedaad adduun u dhan yahay. Bal hadda u fiirsada inta daaro dhaadheer oo aanad garanayn waxa lagu qabanayo loo dhisay Wasaarado. Hadda Wasaaradaha qaarkood halkooda ayaa deeqo dibadeed lagu marriimay oo lagu arrad-tiray. Garsoorka maxaa go’doomiyay ma qaranka ayaanay wax ku lahayn? Baabuurtaa ka daran aynaan qiimahooda goyn karayn ee muraayaduhu u dallacan yihiin marka ay suuqyada marayaan. Ciidammada guryaha iyo xafiisyada la dhigtay kamaba sheekayn karno. Hadda laga yaabee in aanay Qarankan eed laga cabsadaba u gelin ee ay lafahooda u galeen. Baabuurta koleyga lagu magacaabo ee seyladaha ka adeega ayaa ka daran.

Oo Garsoorkiina? Wa caddaysimo. Iska daa gobol iyo degmo oo meeday Maxkamaddii Sare ee haybadda qaranka ahayd? Meeday Maxkamaddii Racfaanku? Garsoorayaashu waa dadka ugu go’aan-qaadashada badan. Naf ayay xukumaan…..Hanti ayay xukumaan….. Xorriyadda qofka ayay xukumaan…..Haddana xukuumaddeennu war iyo wacaal kama hayso. Amnigooda lama sugo…..Dhismahooda lama sugo……Agabkooda lama sugo……daryeelna kuma qabaan hawsha ay hayaan, dayac mooyiye. Markaasaa ku-digasho iyo daan-daansi loogu darayaa, weliba.

Ugu dambayn Madaxweyne maxaad ka tidhi Wasiirka amarka qoraalka ah siiyay Garsoorayaasha ee laga sheegay: “Waxaan idin farayaa?” Ma iska daaya baad tidhi,mise xaalku waa sidii Cabdi Iidaan Faarax sheegay oo:

“Waxay dameertu hooyada,

 Dabada uga nuugtaa,

 Debec iyo isku-hallayn,

 Ma dambaabidhee garo,”

 

Dhammaad, waa inoo Tirsiga 5aad haddii Eebbe idmo.