Booliiska Kenya oo Mombasa ku qabtay labo gaadhi oo qaraxyo ku jireen iyo dadkii watay

NEWSSS

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Booliiska dalkaasi, ayaa gacanta ku dhigay labo ruux iyo labo gaari oo ay saarnaayeen Waxyaabaha qarxa.

Sarkaal lagu magacaabo Henry Ondiekh oo kamid ah saraakiisha Booliiska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa usheegay Warbaahinta in ciidamada ay qabteen ragan, sidoo kalena iminka lagu haayo Saldhiga Magaalada Mombasa.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in labada ruux oo mid u dhashay dalka Kenya kan kalana uu kasoo jeedo asal ahaan Soomaaliya ay qorsheynayeen inay weerar ka geystaan goob aan la cayimin, sida ay shaaciyeen.

“Ma sheegi karno halka bartilmaameydkoodu ahaa, laakiin waxaan xernay labo ruux oo gaadiid waxyaabaha qarxa ku waday”Sidaasi waxaa yiri Henry Ondiekh oo kamid ah Saraakiisha Mombasa ee dalka Kenya.

Taliyaha ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in gaadiidka ay saarnaayeen labo qarax oo kuwa gacanta lagu sameeyo oo Moobeylo ay ku xirnaayeen, kuwaasi oo la damacsanaa in qaraxyo lagu sameeyo, sida ay Booliska sheegeen.

Booliiska Magaalada Mombasa ayaa heegan ku jira, waxaana wararka ay sheegayaan in ammaanka Magaalada Mombasa si weyn loo adkeeyay tan iyo markii xalay gaadiidkaan iyo ragii watay gacanta lagu dhigay.

Mombasa ayaa waxaa ka dhisan Koox Islaamiyiin ah oo Dowladda Kenya ay kula jirto dagaal culus, iyadoo kooxdaan ay gacan saar la leedahay Ururka Al-Shabaab.

Salaanmedia/Mogdidho