BUDCAD DHULEEDKA HARGEISA :LOOLANKA WASIIR KKALIIF – MAYOR SOLTECO & XILDHIBAAN TIMACADE.

BUDCAD DHULEEDKA  HARGEISA :LOOLANKA  WASIIR KKALIIF –  MAYOR SOLTECO & XILDHIBAAN TIMACADE.
images
Waxa Hargeisa ka dilaacay  koox dilaalin ah “ Real Estate Brokers”  oo ku gaashaaman Telefoonka  Gacanta iyo  gawaadhi yar-yar oo  Grande ah . Waxay xafiisyo ka furteen  Degmooyinka   Kood-Buur, Gacan Libaax . Waxa  kale oo ay  laba Xafiis  ka furteen  London  iyo Dubai. Waxay diiradda saaraan dhulka ay ka maqanyheen qurbjoogto  .Kooxdaas dilaalinta ahi marka ay hawsha soo dhamayeen waxay ku wareejiyaan Agaasime- ku-Xigeenka Qorshaha & Fidinta Caasimadda Hargeisa . Markuu  dhameeyo farsamaynta iyo sharci-waafajinta beenta ah, waxa wada saxeexa Guddoomiyaha Guddiga Dhulka Xildhibaan Timacadde iyo Mayor Solteco.  Dhulka aad loo  baadi gooba waa Shacab Area , Badda Cas iyo agagaarka Mansour Hotel . Ilaa iyo hadda waxa la iibiyay dhul qurbajoogoto  ka maqan-yaheen oo kor u dhaafayaa  22 bloodh ,qiimahooduna  gaadhaayo $ 980,000/=.  Dacwado badan  oo boobkaas  ku saabsan ayaa iminka  horyaalla  Maxkamadda Gobolka, laakin wax rajo ah lagama qabo . Markii uu  boobku saameeyay Dhulka  Hantida Guud, waxa uu  Wasiirka Hawlaha Guud soo saaray amar uu ku xakameeyo Budhcad dhuleedka , waxaanu  la galay dagaal culus , oo laga yaabo inuu ku guul daraysto. Hadaba,waxa iswaydiin  mudan  cidda u heelinaysa  danyarta iyo Qurbajoogta   dhulkoodi la Xaraashay ? Muxuu qabtaa Xafiiska la Dagaalanka Musuq-maasuqu ? Xisbiyadda qaranku maxay uga aamuseen budhcad dhuleeka Dawladda Hoose ee  Mayor Solteco&   Xildhibaan  Timacadde  ?
ABDI KAHIN .