Budhcad Koofur Afrikaan ah oo boobay Dukaamo ay lahayeen ganacsato Somaliyeed.

Wararka laga helaayo dalka K/Afrika ayaa sheegaaya in burcad u dhalatay dalkaasi ay boob kula dhaqaaqday Dukaamo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo Soomaalida ganacsiga ku leh dalkaasi ay la kulmayaan dhibaatooyin kaga imanaayo dadka u dhashay waddankaasi.

Boob

Soomaalida dalkaasi ka xoogsata ayaa soo sheegaya in burcad madow Koonfur Afrikaan ah inay dhac iyo dhibaateyn u geysteen dukaamo ganacsato Somaliyeed ku leeyihiin tuulada la yidhaahdo Kanaana iyadoo dhowr dukaan la dhacay.

Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in dhowr dukaan la boobay qaarna la gubay, iyadoo intii bad baadayna ay bilaabeen inay ka barakacaan tuuladaasi, mana jirto weli wax hadal ah oo ka soo baxay Dowladda Koonfur Afrika iyo Dowladda Soomaaliya midna oo la xidhiidha ganacsatada la boobay.

Salaanmedia/Mogdisho