Cabashadii Cabdiraxmaan Saylici+Doodii Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Iyo Dhexdhexaadintii Wasiiradda Read more: Cabashadii Cabdiraxmaan Saylici+Doodii Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Iyo Dhexdhexaadintii

image

Cabashadii Cabdiraxmaan Saylici+Doodii Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Iyo Dhexdhexaadintii Wasiiradda Hargeysa, 11 March 2014 (SM)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay wehelinayaan Wasiirka wasaarada gashaandhiga Somaliland Xaaji Cali Cadami, Wasiirkii hore ee kalluumaysiga Cabdillaahi Geel-jire, Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shir-weynaha saddexaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay hoggaanka xisbi-xaakimka KULMIYE.

Kulankaas oo qaatay saacado baddan, isla markaana ay warbaahintu dibadda ka joogtay, kadib markii uu dhamaaday shirkaasi ayaa waxay warbaahintu wax ka weydiisay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) u-jeedada kulankoodan, balse waxa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahina ka bixiyo. Hasayeeshe ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo uu helay Wargeyska Ogaal ayaa sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici uu ka cabanayey inay beeshiisu ay ku yar tahay saamiga Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE laga siiyey, oo uu kala hadlayey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,guddoomiye kuxigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Guddida Golaha dhexe ee Xisbiga Jaama Shabeel,iyo Xoghayaha Xisbiga Xasan Siciid Yuusuf, waxaana dhexdhexaadinayey Wasiiro ay la tirsan Xukuumada madaxweyne Axmed-Siilaanyo, iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

Wararku waxay intaasi ku sii darayaan in cabashada madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici uu u gudbiyey hogaanka Xisbiga KULMIYE innaan waxba la isla meel dhigin. Read more: Cabashadii Cabdiraxmaan Saylici+Doodii Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Iyo Dhexdhexaadintii Wasiiradda.

Salaanmedia/Hargaysa

Ogaalnews