Ciidamada Badda Ee Talyaaniga Oo Badbaadiyey Tahriibayaal Ka Badan 2,000

(SM:Hargaysa) Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa sheegay in ay badbaadiyeen inka badan 2,000 muhaajirin Afrikaan ah oo si sharci darro ah ku soo safray dalkaas.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Badda ayaa sheegay in dadka laga soo badbaadiyey xeebaha Sicily xilli ay la socdeen ilaa 13 doomood oo ay aad iskusoo buuxiyeen.

 

 

Dadka lasoo badbaadiyey ayaa badankood kasoo jeeda Waqooyiga Afrika, waxaana ay isku jireen rag, dumar iyo caruur. Dadkaan ayaa kasoo ambabaxay xeebaha dalka Libya oo marin muhiim ah dadka u socda Yurub gaar ahaan Talyaaniga.

 

 

Arrintaan ayaa kusoo beegmatay saacado kadib markii dalka Spain ay si sharci darro ah ku galeen ilaa 500-muhaajirin afrikaan kale.

Salaanmedia/Hargaysa