Ciidamada Dowlada Soomaaliya & Amisom oo galabta la wareegay daafacyadii 1-aad ee Baraawe & Qoryooley ka difaacanayeen Shabaabka

Amiirka Al Shabaab oo ka hadlay qorshaha Ciidanka Itoobiya ugu biireen Amisom

Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo ay kaabayaan Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay maanta dagaal culus ay la galeen Xoogaga Ururka Al Shabaab. Waxayna kala wareegeen dhul muhiim ah.

Labada Ciidan, ayaa 3-dii aroornimo ee saakay ka dhaqaaqay Wadada Danow, waxayna u jiheysteen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay dagaal culus la galeen Ciidan ku sugnaa daafaca hore, ee Shabaabku ka difaacanayeen Qoryooley.

Dagaalka, ayaa waxa uu ku fiday dhul beeraley oo ay lee yihiin dad shacab ah, iyadoo la soo sheegaayo in Taangiyada Amisom ay ku dul socdeen beero asandooyin ah.

Ciidamadaan, ayaa galabta si buuxdo ugu sugan Deegaanka Buulo Shiikh, oo wadada ka baxdo ay si toos ah u gasho Degmada Qoryooley, oo ay si buuxdo gacanta ugu heyso Al Shabaab.

Ciidan kale oo ka kooban Ciidanka Xoogga Dalka iyo Amisom, oo sidoo kale ka dhaqaaqay Deegaanka Shalambood ee duleedka Magaalada Marka, ayaa waxay cagta saareen wadada tagta Degmada Baraawe.

Labada Ciidan, ayaa waxaa u suurta gashay in sidoo kale ay la wareegaan Deegaanka Jeebeey, oo ay daafacyo adag kaga jireen Xoogaga Shabaab, sidoo kalana ah daafaca 1-aad ee Shabaabku ka difaacanayeen Degmada Baraawe.

Ciidan kale oo ka tirsan Dowladda iyo Amisom oo weli ku sugan Deegaanka Danow, oo ah halka kulmisa Wadooyinka ka kala yimaada Buulo Mareer iyo Qoryooley, ayaa waxaa la hadalhayaa in ay iyana ku dhaqaaqi doonaan Buulo Mareer.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa si saf mareen ah culeys baaxad leh u saaraaya Degmooyinka Baraawe, Buulo Mareer iyo Qoryooley. Sidoo kale waxaa la filaaya in Ciidan kale, oo ka socda Dowladda Itoobiya ay ka qayb qaataan qorshaha lagu qabanaayo Degmooyinka Baraawe iyo Sablaale.

Ciidanka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay soo jeexayaan dhulka hawdka ah, iyadoo la sheegay in ay kaabiga ku hayaan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, isla-markaana dhaq dhaqaaqyo Ciidan, ayaa laga dareemayaa Degmadaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii”, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ka soo hadli doonaan Degmada Baraawe, markii uu sheegay in Shabaabku ay dhibaato daran ku hayaan dadka reer Baraawe, ayna ka dulqaadayaan.

Gudoomiyaha oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ku waramaaya in si qorsheysan ay ku soconayaan hawlgalada lagula dagaalamaayo Shabaabka, loogana saaraayo inta ay kaga harsan yihiin Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale dagaalka maanta ka dhacay Shabeellaha Hoose, ayaa waxa uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan si rasmi ah loo aqoon inta uu le’eg yahay khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalka.

C/qaadir Siidii, ayaa sheegay in dagaalkaan ay jab lixaad leh ku gaarsiiyeen Shabaabka, dhinacooduna uu ka dhaawacmay afar askari, oo laba ka mid ah ay yihiin Ciidanka Dowladda, halka labada kalana uu ku sheegay Amisom. Sidoo kalana waxa uu xusay in ay ogyihiin dhimashada hal ruux oo rayid ah, oo ay haleeshay sida uu yiri rasaas wiifto.

Salaanmedia/Mogdisho