Ciidamada Itoobiya oo hawlgal ammaanka lagu sugaayo ka sameeyay Magaalada Baydhabo (Daawo Video)

Qoraal laga soo saaray Xarunta Amisom ee Xalane, ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay socod ku marayn qaybo ka mid ah Magaalooyinka Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in hawlgalku uu la xiriiro xaqiijinta ammaanka iyo sidii duleedyada Baydhabo looga saari lahaa, ragga ka tirsan Shabaabka ee ku dhuumaaleysanaaya.

Hawlgalkaan waxa uu ku soo beegmayaa, xilli qarax bambaano xalay lagu weeraray hoyga uu Magaalada Baydhabo ka degan yahay Madoobe Nuunow Maxamed, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ammaanka ee Baydhabo, ayaa qaraxaasi u soo qabtay hal nin, oo la sheegay in uu ka dambeeyay, qaraxa lagu weeraray hoyga Madoobe Nuunow.

Â