DAAWO: GUUL QARAN…Orodyahanka reer Jabuuti oo billada dahabka ah ee 1500m ku guulaystay!

Souleiman_AyanlehFL-World13

(SM) 09 Mar 2014 – Orodyahanka reer Djibouti ee Ayanleh Souleiman billadii dahab ahayd ee ugu horreeysay ee uu u qaado dalkan dhaca Bariga Afrika gaar ahaan dhanka ciyaaraha caalamiga ah, kadib markii uu ku orday 3:37.52.

In ka badan 20 sanadood ayaa laga joogaa markii uu billada qalinka ah hantay Axmed Saalax sanadii 1987 iyo 1991 World Championships, isagoo sidoo kale billadda maarta ah soo hooyay ciyaarihii Olombikada ee 1988.

Souleiman ayaa sidaa darteed Djibouti kusoo celiyay kadib markii uu qaaday billada maarta ah ee 800mitir xagaagii tegey, wuxuuna markan markale sabab u noqday in astaanta calanka Djibouti uu ka yeero garoonka lagu qabanayo ciyaaraha fudud ee aduunka IAAF oo haatan ka soconaya magaalada Sopot ee dalka Poland.

Gool FM waxay leedahay hambalyo Ayaanle…

 

Gool FM

Aragtidiinu waa muhima