Daawo Muqaal: Madax-dhaqameedka Awdal Oo Soo Gunaanaday Shir Loogu Gogol Xaadhayey Shirweynaha Gadabuursi

(SM:Hargeysa) – Magaalada Borama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa maanta lagu soo gabogabeeyay shir 19-kii bishan halkaasi uga furmay Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Gadabuursi.

Shirkan oo loogu gogol xaadhayey shirweyne beelahaasi dhawaan qabsanayaan, ayaa waxa gabogabadiisii ka soo baxay qodobbo la xidhiidha waxyaabihii lagaga wada hadlay.

 

Salaanmedia/Hargaysa