Daawo Muqaal…Soo dhaweyntii Mujaahid Cali guray iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Waddani Dr Fadal oo ka dhacday Hotel Nomad London.

IMG_6902

London Xaflad casho sharaf ah oo ay ka qayb-galeen Haweenka reer UK ayaa waxa lagu qabtay Galbeedka London xafladan oo lagu soo dhawayeynayey Mujaahid Cali Gurey Gudoomiyaha sadexaad ee xisbiga UCID ayaa waxa ka soo qayb galay  xisbiyada Waddani iyo UCID ,madaxdooda Uk waxa kale oo marti ku ahaa xoghayaha Arimaha Dibada ee xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal madashan oo ahayd mid aad u qorxoonayd ayaa waxa ka hadalay dadwayne aad u tiro badan oo ka kala socda labada xisbi ee Waddani iyo Ucid iyo marti sharaf badan .

 
Lasoco dhawaan muqaal ku saabsan madaxdii Xisbiyada Ucid iyo Waddani iyo qaar ka mid ah martisharafkii kasoo qaybgalay hadaladoodii oo dhan Insha Allah.
Salaanmedia/London