Daawo Muqaal: Xildhibaan Cali Maleexaan Oo Si Kulul U Weeraray Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Iyo Wakiilka U Qaabilsan Somaliya, Warbixinahoodana Ku Tilmaamay Kuwo Cadaawadi Ka Muuqato

vvMarch 17, 2014 Hargeysa(Cadceed) – Xildhibaan Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Soomaaliland ayaa si weyn u dhaliilay warbixinaha ay qaramada midoobay u gudbiyeen xoghayaha guud iyo wakiilka somaliya u qaabilsan xoghayaha guud.

Xildhibaan Cali Mareexaan oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in warbixinaha uu wakiilka u qaabilsan xoghayaha guud ee qaramada midoobay somaliya ay yihiin kuwa cadaawadi ku dheehan tahay oo aan lagu soo qaadin horu marka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada kala duwan.

Salaanmedia/Hargaysa

Â