Daawo Muuqaal “Qaabkii Loo Qabtay Magaalada Buuloburde ee Gobalka Hiiraan iyo Ciidamadii galay Magalaas oo ka hadlay!!

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaantaan waxay kala wareegeen magaalada Buuloburde Ururka Alshabaab iyadoona shacabka ku nool magaaladaas ay soo dhaweeyeen qabsashada magaaladaas ee ciidamada dowlada iyo uwa AMISOM. 

Daawo Muuqaal Qabsashadii magaalada Buuloburde ee ciidanka dowlada

Magaalada Buuloburde oo sanooyinkii ugu dambeeyey ku jirtay gacanta Ururka Alshabaab ayaa waxaa dhawaantaan kala wareegay ciidamada dowlada oo garab ka helaayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan ciidamada ka socda dalka Jabuuti, Magaalada Buuloburde oo ka mid ahayd meelaha ay Ururka Alshabaab ku la hayd saldhigyada milatari oo baaxada weyn ayaa dagaal xoogan oo mudo socday ka dib waxaa la wareegay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyadoona ay ciidamada Ururka ALshabaab ay gebi ahaanba faarujiyeen magaaladaas oo in mudo ah ka mid ahayd saldhigyadooda waaweyn ee ay ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina iyadoo magaalada Buuloburde ay hada ku jirto gacanta ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Buuloburde waxay soo dhaweeyeen isbadalkaas cusub ee ka dhacay magaaladaas mudo sanooyin ah ka dib ayagoona sheegay inay dhibaato baaxad weyn ay ku hayeen Ururka Alshabaab magaalada Buuloburde, Qabsashada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee magaalada Buuloburde ayaa waxay ka mid tahay qorshe balaaran oo ay dowlada Soomaaliya kula wareegayso dhamaan magaalooyinka ay Ururka Alshabaab gacanta ku hayso iyadoona maalmihii la soo dhaafay ay ciidmada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen magaalooyin iyo tuulooyin ay horey gacanta ugu hayeen Ururka Alshabaab.