Daawo Sawirada Aroos aan Caadi aheyn oo ku baxday Malaayiin Dollar oo loo dhigay Gabadha uu dhalay Madaxweyne …

Daawo Sawirada Aroos aan Caadi aheyn oo ku baxday Malaayiin Dollar oo loo dhigay Gabadha uu dhalay Madaxweyne …

Mar 9, 2014 – 

 

Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe dhawaan waxaa loo dhigay Aroos aad u weyn oo indha caalamka soo jiitay kuna baxeen Lacago Malaayiin Dollar ah.

Arooska Simba Chikore iyo Bona Mugabe ayaa lagu dhigay Qasri weyn uu leeyahay Madaxweynaha Dalka Zimbabwe oo kuyaala Caasimada Dalkaasi, waxaana kasoo qeyb galay Xaflada Arooska Madax kasocotay Wadamo kuyaala Qaarada Afrika iyo marti sharaf kala duwan.

Madaxda kasoo qeyb gashay Xaflada arooska ee loo dhigayay Gabdha uu Dhalay Madaxweynaha Dalka Zimbabwe waxaa kasoo qeyb galay Madax ay kamid ahaayeen Madaxweynayaasha Konfurta Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang Njima iyo Madaxweynaha Zambia, Michael Sata, Waxaa sidoo kale xaflada kasoo qeyb galay Hogaamiyaal hore , Fanaaniin , iyo ganacsato caan ah.

Qaar kamid ah Wargeysyada kasoo baxa Dalka Zimbabwe ayaa tilmaamay in Arooska loo dhigay gabadha uu dhalay Robert Mugabe ay ku baxday lacag gaareysa ilaa 5-Milyan oo Dollar oo u dhiganta lacagta lagu dhisay Garoonka Diyaaradaha Harari ee Dalka Zambabwe kaa oo lagu tilmaamo in uu yahay garoonka uga dhabaha ama Run-wayga Dheer Qaarada Afrika.

bon_1 bon_11 bon_2 bon_12 bon_2 bon_3 bon_4 bon_6 bon_7 bon_8 bon_9