Daawo Sawirada Burcad Badeed Soomaali ah oo laga keenay Jaziirada Seychelles oo lagu Wareejiyay Puntiland.

Waxaa shalay Magaalada Garoowe kasoo dagtay diyaarad siday Budhcad Badeed Soomaali ah oo ku xidhnaa Jaziirada Seychelles, kuwaa oo hada loo soo wareejiyay dhinaca Puntiland kuna qaadaan doonaan sanadaha uga dhiman xabsigooda.

Burcad Badeeda shalay laga soo dajiyay Magaalada Garawe ayaa mudo sanado ah waxa ay ku xidhnaayeen Jaziirada Seychelles , waxaana loo heestaa in ay kamid yihiin Burcad badeeda Soomaalida ayna ku hawlanaa falal la xadhiidha qafaalka maraakiibta isticmaasha Biyaha Soomaaliya.

Madax ka socda hay’adda asluubta, saraakiil ka tirsan UNODC iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay munaasabada dhalinyarada ay kula wareegaysay Puntland, waxaa horay loogu xukumay dhalinyaradan xabsi u dhexeeya 7 ilaa 24 sano oo xarrig.

Taliyaha ciidanka asluubta Puntland Gen. Cali Nuur ayaa sheegay in Maamulka Puntiland ku dadaali doonaan ilaalinta xaquuuqda Maxaabiista leeyihiin , Maxaabiistaan lagusoo wareejiyayna ay xabsigooda ku dhameesan doonaan Xabsiyada Puntiland ugu tala gashay Burcad badeeda.

Shaafiici Cabdullaahi oo kamid ahaa Burcad badeedii manta laga soo dajiyay Magaalada Garawe ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ku dadaasho sida Dhalinyarada Burcad badeednimada ugu xidhan dalka dibadiisa ay dalka kusoo celiso.

Xabsiyo ku yaala gudaha Puntland ayaa maxaabiistan saggaalka ah waxay ku qaadan doonaan inta dhiman xukunkooda, waxay qayb ka ahaayeen dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ku xidhan dalalka dibedda.

Salaanmedia/Burco