Daawo Sawirada: Dhalinyaro Qirtay Inay Ka Tirsan Yihiin Al-Shabaab Iyo Hub Ay Wateen Oo Muqdisho Lagu Soo Bandhigay

Daawo Sawirada: Dhalinyaro Qirtay Inay Ka Tirsan Yihiin Al-Shabaab Iyo Hub Ay Wateen Oo Muqdisho Lagu Soo Bandhigay

 

March 17, 2014 Muqdisho(SM) –  Ciidamada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho Howlgalo balaadhan ay kasameeyeen waxa ay kusoo qabteen Dhalinyaro la sheegay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab iyo Hub ay isticmaalayeen.

Dhalinyarada lasoo qabtay ee lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa qaarkood waxa ay qirteen in ay katirsanaayeen Al-Shabaab ayna ka qeyb qaadanayeen Falalka amaan daro ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa qabtay qaar kamid ah Ragan katirsan Al-Shabaab xili ay hubeesnaayeen qaarkoodna wateen Biskoolaso iyo Bambaanooyin ay kaga qeyb qaadan jireen falalka amaan daro ee kajiray Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho.

Dhalinyaradan oo lagu soo Bandhigay Magaalada Muqdish ayaa qaarkood si aan ganbad lahayn waxa ay u qirteen in Al-Shabaab katirsanaayeen ayna ka qeyb qaadan jireen Falalka amaandaro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

“Aniga waxaan ku shaqeystaa mooto oo aan bambooyinka ku qeybin jiray, teeda kale aniga afar bil ayaan Muqdisho joogaa Nairobi ayaan ka imid, waxaan qeyb ka ahay Shabaab, laakiin xilliga la isoo qabanayay wax howl ah kuma jirin” ayuu yidhi mid kamid ah dhalinyaradan lasoo bandhigay.

Dhalinyaradan katirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo qab qabtay howlgalo kala duwan oo Ciidamada Dowlada kasameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale lala soo qabtay daasado ay ku jireen Sun loo adeegsado sameynta qaraxyada , waxa ayna arintan qeyb ka tahay sida Saraakiisha amaanka sheegeen xaqiijinta amaanka iyo la dagaalanka kooxaha loogu yeeray nabad diidka.