Daawo Sawirada Madaxweyne Giorgio Napolitano oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomya Danjire Gen. Muuse Xasan Cabdulle

Maxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano ayaa aqalka Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Magaalada Roma ku qaabilay danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya ay dhawaan u Magacaawday dalkaasi Talyaaniga, Gen. Muuse Xasan Cabdulle, iyadoona Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano uu si rasmi ah ugu gaddoomay warqadihii aqoonsiga danjire-nimo.

Madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano iyo Danjiraha Soomaaliya Gen. Muuse Xasan Cabdulle, ayaa kulan waqti qaatay ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada dalka Talyaaniga, taasi oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ah labo dal uu xiriir dheer ka dhaxeeyo. Danjiraha Soomaaliya oo Maalmo ka hor ka yimid dalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano u gudbiyay Salaan uu ka siday Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona sidoo kale ugu warbixiyay xaalada guud ee dalka Soomaaliya, dhinaca siyaasada, Amaanka, iyo dadaalada ay Dowlada Federalka Soomaaliya ka wado dalka, waxa uuna ugu mahadceliyay taageerada ay dowlada talyaaniga la garab joogto dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano ayaa sheegay in dalkiisa iyo dalka Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir aad u dheer oo lama iloobaan ah, isla markaana ay sii wadii doonaan gacan siinta dalka Soomaaliya, isagoona xusay in xilligaan ay jiraan qorshayaal ay ku taageerayaan dalka Soomaaliya. Danjire Muuse Xasan Cabdulle ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii uu wax ugu qaban lahaa baahiyaha ay qabaan Soomaalida ku dhaqan dalka Talyaaniga.

Moxamed Robberto. Roma – Italia.Â