Daawo Sawirada Xubno Kasoo Jeeda Beesha Koonfurta Hargeysa Iyo Hawd Oo Si Mug Leh Ugu Biiray Xisbiga Waddani, Kana Qayb Qaatey Dib Udhiskii Laanta Waddani Ee Birmingham

Waddani Birmigham1Salaasa, March 11, 2014 Hargeysa(SM)-Waxaa ka dhacday xaflad si weyn loo soo qabanqaabiyey Caasimada 2aad Ee wadanka UK magaalada Birmingham, taasoo lagu soo dhoweynayey xubno ka tirsanaan jiray Kulmiye iyo xaqsoor oo kasoo jeeda deegaanka Koonfur Hargeysa iyo Hawd. Xubnahan oo ay horkacayeen Abwaan Mawliid Aadan Qoqol iyo Mustafe Haaruun Cabdullahi oo 2 duba kasoo jeeda Cuqaasha beelaha Deegaankaas dega. Waxaa kale oo munaasabada dib u habeyn lagu sameynayey Laanta Waddani Birmingham , halkaasoo isla Aqoonyahan Mustafe loo Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Wadani Midlands.
Waddani Birmigham2
Waddani Birmigham3

Waxaa munaasabada kasoo qeyb galay Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani Uk, Hogaanka Yurub, Laamaha Uk, iyo Xubno ka tirsan Wadani Heer Qaran.

Waxaa kelmado kooban halkaa ka jeediyey, Odey Maxamuud Cismaan oo ka mid ah Odayaasha magaalada Birmigham, Farduus Hamashool (Fulinta Waddani Heer Qaran}, Intisaar Maxamed Cali Qoys Garabka haweenka, Odey Xasan Haaruun Gudoomiyaha, Siyaasada Waddani Uk Najiib, Siciid Bootaan oo ka mid ah madaxda Waddani, Gudoomiyaha Europe Cismaan Aw-Aadan Jamac farax, Gudoomyaha UK Axmed Cali Naahi Iyo Gudoomiyaha Cusub Mustafe Haaruun cabdullahi oo Soo dhoweeyey Garabka Cusub iyo Gudiga Cusub ee la doortay oo lagu Ansixiyey iyo Maxamuud Raage Ibrahim oo katirsan Fulinta Waddani heer qaran oo soo Afmeeray munaasabadan oo lagu doortay Gudigan hoos ku qoran.

Gudoomiye Mustafe Haaruun Cabdullahi

Gudoomiye xigeen Keyse Cabdullahi

Xoghaye Fu,aad Caraale

Afhayeen Siciid Ducaale Codey

Xisaabiye Samsam Maxamed

Garabka Haweenka Intisaar Maxamed Cali Qoys

Garabka Dhalinyarada Muuse Dugsiiye

Xidhiidhka iyo Abaabulka Tayasiir Maxamuud

Madasha oo siweyn looga soo qayb galay , waxaa runtii aan la ilaawi Karin Dudiga UK oo ay ka Mid ahaayeen Gudoomye Xigeen Daakir , Madaxa Siyaasada Najiib Maxamed Cisman, Madaxa Abaabulka Cabdullahi Dhegaweyne, Gudoomiye Mustafe Ciyow Bristol, Gudoomiyaha Milton Keynes Muna Xandulle, , Amaal Cabaade, Faaqir Daahir.

Waddani Birmigham4
Waddani Birmigham5
Waddani Birmigham6

Waxaa kale oo dadka Xasuus kaga tegey Abwaan Mawliid Aadan Qolqol oo ka sheekeyey Suugaantii uu u sameeyey Kulmiye iyo Tacabkii ka galay , Waxa uu Xusay in uu Doonayey isbedel iyo in uu madaxweyne Axmed Siilaanyo taariikh ka tago, Riyaadaasina Beenawday , waxa uu tibaaxay Maansadiisii u danbeysay ee Oomane iyo waxa ay daarnayd, waxa maansooyinkiisa ka mid ah abwaanka OOMANE. DADIIB. GARNAQSI, GOBAAD YEELKADEEDA, KULMIYAANU NAHAY. Waxana uu meesha ka aqriyey maanso hordhac ah oo uu dhowaan soo bandhigayo waxayna tidhi horaanteedu

ANAGU WADDANAANU NAHAY

WEJIGA NABADAANU NAHAY

WAAXYAHA SHACABKAANU NAHAY

WANAAGA DALKAANU NAHAY

WADAJIRKA QARANKAANU NAHAY

WALAALO IS AAMINOO

NAXLIGA WAKIYAANU NAHAY

ANAGU WADDANAANU NAHAY

WADADA KUWA HAYSTA OO

XUMAAN WADIN BAAN NAHAY

ANAGU WADDANAANU NAHAY.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK

kasslmn@aol.com

London