Daawo Sawirada”Askar katirsaneed Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo saakay Goob fagaare oo kutaala Muqdisho lagu toogtay

Sadax Askari oo katirsan Ciidanka Dowlada  Soomaaliya ayaa saakay lagu toogtay Barxada Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho .

Askarta la dilay ayaa labo kamid ah waxa ay katirsanaayeen Milatariga halka kan kalana uu ahaa Ciidanka Minoshiibiyada , waxaana lagu eedeeyay in ay horey dilal u geesteen, waxaana xukunka dilka ah ku riday Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya .

Eedeesanayaasha la dilay ee katirsanaa Ciidanka Dowlada ayaa saakay lasoo taagay tiirka lagu toogto dadka lagu xukumo dilka ee kuyaala Barxada Iskool Bolisiya ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada iyo dadweyne kale ayaa u daawasho tagay barxada uu ka dhacayay xukunka dilka ah ee lagu fulinayay Sadaxda Askari ee katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Salaanmedia/Moqdisho

Â