Daawo Sawiro…Fanaanada Hodan Cabdiraxmaan oo xijaabatay,kana toobad keentay fankii ay ku dhex jirtay.Mansha Allah.

H 1

Fanaanada caanka ah ee sida weyn uga dhex muuqata jiilka cusub ee fanka Hodan Abdirahmaan Dheere ayaa beryahan danbe waxa ay bilowday falal ay dad badan oo Soomaaliyeed ku farxeen, waxaana si gooni ah ficiladaan ugu farxay taageerayaasheeda kuwaasoo hambalyo iyo bogaadin hawada u marsiinaya.

Fanaanadan oo lagu bartay in ay ka mid tahay hablaha ay aktooda caadiga ka tahay in ay is qaawiyaan, isla markaana sawiradeeda iyo Video yaasheedu u badan yihiin kuwa cowradeedu muuqato ayaa beryahan bilowday arin taas ka gedisan oo ah in ay is asturto isla markaana ay si dardar ah kusoo badiso sawirada ay xijaaban tahay, ayadoo isbuucaan gudigiisa sawiro badan oo asluub iyo asturaad ay ka muuqato lasoo wadaagta boggeeda caanka ah ee ay Facebook ku leedahay.

Arintaan ayaana keentay in Soomaali kumanaan gaadhaya fikir ahaan aad ugu mashquuleen gabadhan xidigta fanka ah ayagoo ugu hambalyeynaya is badelkeeda cusub sidoo kalena ku bogaadinaya in ay haatan hayso wadada saxda ah loona baahan yahay in ay ku taagnaato, maadaama aysan isqaawintu aheyn wax diin iyo akhlaaq intaba sal ku leh.

 Waxa aanu idiin soo xulnay sawiro aanu bogeeda ka soo xiganay si aan uGu soo bandhigno wanaaga aay muujisay.

Daawo sawirada Hodan oo is bedel sameysay

H 3H 2