Daawo Sawiro…Guddida Jaaliyadda S.land ee Jiddah oo Casho Sharaf u Sameeyey Waftiga uu hogaaminayo Mud. Cabdilahi Cirro.

18

Guddida Jaaliyadda Somaliland ee Jidda-KSA ayaa markay taariikhdu aheyd 22/3/2014 ayey Xafladd balaadhan oo si habsami ah loo soo agaasimay ugu sameeyeen (Hudheelka Lisannia-Ruweys) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddooyiyaha Xisbiga Wadani Mudane. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ah ka koobaana sidan:


1. Guddoomiye ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga Wadani Mud. Axmed Muumin Seed.
2. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Mud. Maxamed Cabdilahi (Uurcadde).
3. Mud. Axmed Xuseen Fag-Fagaash.
4. Xil. Xuseen Ismacil Yuusuf
5. Xil. Nasir Xaji Cali Shire
6. Xil. Cabdiraxman Maxamed-Aw Xoog
 
Guddida Jaaliyadda S.Land ee Jiddahi Waxay si Sharaf leh ugu mahadnaqeen Waftiga uguna soo dhaweeyeen Gacmo furan iyo Walaaltinimo, taas oo caado u tahay iney si habsami ah u xusaan una soo dhaweeyaan dhammaan Madaxda Jamhuuriyada Somaliland ee halkan noogu soo booqda Dalkan Saudi Arabia.
 Waftiga, Guddida iyo dhamman  Bulsho-Weynta Reer S.Land ee Jiddah ee halkaa ku sugnaa waxay iska wareysteen kana wada hadleen arrimaha iyo horumarka ka socday Waddankeenna iyo Xaaladuu ku sugan yahay iminka iyo waxa looga baahan yahay ama la gudboon qof waloo u dhashayaadna Waddankeenna (Somaliland).
 Guddida Jaaliyada Xubno ka mid ahi waxay gudoonsiyeen Waftiga Hadyado qaali ah oo ahaa (Kitaabka Quraanka Kareemka ah).
 Waftigu waxay aad ugu  mahadnaqeen si sharafta  leh ee loogu soo dhaweeyey Jiddah iyo guud-ahaanba Saudi Arabia intii ay ku sugnaayeen.
 
Allaa Mahad leh
 
Siciid Axmed-Salaan
Guddoomiyaha Warfaafinta
Guddida Jaaliyadda S.Land-Jeddah, Saudi Arabia.


0 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 13 14 17 18 19 20 21 23 24 25 26 28 29