DAAWO SAWIRO…GUDIGA FULINTA XISBIGA WADDANI UK OO KULAN KU YEESHAY GALBEEDKA LONDON IYO DR MAXAMED CISMAAN FADAL OO GOOB-JOOG KA AHAA.

IMG_6847
Shirkan oo ahaa mid si heersare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha Gudida Fulinta UK iyo Hogaanka sare ee Uk, kulankan oo ahaa mid lagu dar dar galinayey hawlaha Xisbiga ee UK. 
IMG_6842
 
Kulankan oo aad muhiim ugu ahaa guud ahaan Xisbiga Waddani iyo kan Laanta UK-ba ayaa lagu dejiyey Qorshe wax-qabad oo cad iyo isla-xisaabtan dhab ah. Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno badan oo ka tirsan Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani Laantiisa UK, ayaa waxaa kaloo ka soo qayb galay Gudoomiyaha Arimaha Dibada iyo  Xidhiidhka Caalamiga ah ee Xisbiga Wadani Dr Mohamed Osman Fadal oo booqasho gaaban ku jooga wadanka UK.
 
Gudoomiye Fadal ayaa warbixin kooban ka siiyey dhamaan xubnihii halkaa ka soo qayb galay Xaalada guud ee Wadankii Hooyo marayo taasoo ahayd wax lagu diirsado. Waxyaabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa;-
 
Arimaha doorashooyinka; oo uu sheegey inay xisbiga waddani ahaan ay door weyn ka ciyaareen sidii aanay doorashadu dib ugu dhici lahayn iyagoo la kaashanaya xisbiyada kale iyo deeqbixiyayaashaba sidii doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligii loogu talagalay, waxuu kaloo intaas ku daray in xukuumadu dhinaceeda ay ka muuqato lug-jiid balse aysan suurtogal ahayn in doorashadu xiligeeda ka dabo marto.  culeys ku saareen inay kala shaqayaan sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, wuxuuna sheegey Dr Fadal inay arintaas ka aqbaleen oo ay ogalaadeen inay doorashada wakhtigeedii lagu qabto. 
 
Ugu dambayntiina Dr fadal ayaa kula dardaarmay Xubnaha UK, dardargelinta hawlaha xisbiga; iyadoo loo balamay shir kale oo la isugu yimaado maalmaha soo socda. 
 
 
Afhayeenka Xisbiga Waddani UK 
Qasim A Saleebaan 
IMG_6825 IMG_6828 IMG_6829 IMG_6830 IMG_6831 IMG_6834 IMG_6835 IMG_6836 IMG_6837 IMG_6838 IMG_6840 IMG_6841 IMG_6842 IMG_6847