Daawo Sawiro…Jaalliyada Beesha Ciidagale Ee Ku Nool Gobolka Washington Ee Dalka Maraykanka Oo Kulan Balaadhan Ku Yeeshay Magaalada Seattle.

Shirka Seattle3

Khamiis, March 27, 2014 Hargeysa(SM)-Waxa magaalada Seattle ee gobolka Washington ka dhacay shirweyne ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulsho-weynta beelaha Ciidagale weyne ee ku dhaqan gobolkan, shirkan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo dardargalin lahaa dhaqaale uruurinta Dhismaha Wadada Cad, Taageerida Hawlaha Horumarineed Ee Ururweynaha Gaaroodi gacanta ku hayo iyo warbixin guud oo ku saabsan Horumarka, Ganacsiga, Waxbarashada, Biyaha Iyo Caafimaadka oo uu halkaas ka jeediyay Aqoonyahan Biixi Iimaan Cige oo hawlo shaqo ku maraya dalka Maraykanka, isagoo kasoo kicitimay wadankii Hooyo.
Shirka Seattle11

Daawo Videogan

Sidii dhaqankeenu ahaa, Diinteena Suubanina ina faraysay waxa shirka Aayado Quraanka Kariimka ah ku furay Sheekh Baashe Cabdilaahi Aadan, wuxuuna umahadnaqay Eebe ka sakow haweenkii iyo dhalintii soo agaasimtay madasha iyo shirkaba, waxaanu si diiran usoo dhaweeyay aqoonyahan Biixi Iimaan Cige, intaas ka dib waxa Mikirifoonka la wareegay oo Shirka habsami usocodkiisa iyo daadihintiisaba gacanta ku hayay Mudane Maxamuud Xusseen Ildab, waxaanu mikirifoonka kusoo dhaweeyay Oday Cismaan Xaaji Yuusuf Bulaale (Qalanboosh) Iyo Oday Ibraahim Warsame oo ka mid ah odayaasha beesha, waxaanay labada oday aad ugu dheeraadeen qiimaha ay Wadada Cadi uleedahay deegaanka iyo bulsho weynta reer Somalilanba waxaanay ku dhiirigaliyeen bulshada Ciidagale ee reer Seattle inay dardargaliyaan hawlaha qaadhaan uruurinta Wadada, sidoo kale waxay dul istaageen qiimaha uu ururka Gaaroodi ugu fadhiyo beesha iyo deegaankaba una baahan yahay in taageero dhaqaale loo fidiyo si aan cube-dhawr ugu iman hawlaha ururku uhayo bulshada ku nool deegaanka gobolka Gaaroodi.

Intaas kadib waxa hadalkii la wareegay Gudida Wadada Cad ee reer Maraykan xubnaha uqaabilsan gobolka Washington State Mudane Nuur Xassan Afdiinle Iyo Mudane Cabdiraxmaan Cali Qaalib, waxaana hadalkii qaatay Mudane Nuur Xassan oo afka gudida ku hadlayay, waxaanu si bal balaadhan oo waafiya uga warbixiyay qaabkii iyo sidii ay ku timi in la bilaabo wadada iyo qaababkii loogu hawl gallay, isagoo si farshaxan-nimo leh usoo bandhigay halkii Wadada laga jiiday, halkay marayso imika , qaadhaanada qurbaha ka tagay guud ahaan iyo gaar gaarba. Lacagta wadada ee Seattle laga diray oo dhamayd sida uu Nuur xusay $13,000 Dollar wajigii hore iyo kan hada la bilaabayaba, waxaanu yidhi” Waxaan idiinku bushaaraynayaa in wareegii labaad ee dhismaha wadada maanta daamurkii iyo jaygii wadada hareeraheeda la dhigayay, usbuucyadan soo socdana la bilaabayo, iyadoo wareegan labaadi uu noqon doono 15-Kilomitir oo isku xidhi doona Toon Ilaa Qoolcaday. Sidoo kale Nuur wuxuu xusay dhaqaale ay haweenka beesha ee Seattle dagani iska soo gureen inay hayaan oo ay la sugayaan lacagayow kale oo ay markaas shaacin doonaan hadii Alle Idmo.

Waxa isagu goobtaas ka hadlay Mudane Xusseen Cabdilaahi Faarax oo xubin ka ah Gudida Guud ee beesha Ciidagale ee dalka Maraykanka, waxaanu ka warbixiyay hawlaha waxqabad ee ay gudidoodu ku talaabsatay oo runtii si weyn loogu guuxay, isagoo xusayna inay gargaar iyo taageeraba ufidiyaan qofkasta oo beesha ah oo duruufi ku qabsato wadankan gudahiisa, sida qof Xanuun adagi lasoo darsay, qof shil-galay anba si qaldan loo xidhay. Waxaanu xusay inay guddiyo kala duwan sameeyeen oo ay gudida Wadada Cad-di ka mid tahay waxaanu yidhi” Waxaanu samaynay guddida Wadada Cad iyo guddi hoosaadyo kasii hoos shaqeeya oo badhitaara, waxaanu kaloo wadnaa diwaangalinta tirada beeshe ee Maraykanka joogta waayo beeshu Maraykanka xoogbay ujoogtaa, waxaanu diwaangalinay oo aanu sharciyaynay urur hoosaad aynu reer Maraykan ahaan iska leenahay oo aanu shuruucda iyo qawaaniinta udejisan dalkan aynu joogno aanu waafajinay.

Gudoomiyihii hore ee ururweynaha Gaaroodi Mudane Khadar Ismaaciil Cilmi ayaa isaguna si wanaagsan oo cilmiyaysan usoo bandhigay hawlaha waxqabad ee ururka Gaaroodi ka qabtay deegaanka gobolka Gaaroodi, wuxuu sidoo kale usharaxay qaabka iyo habka ururka Gaaroodi u shaqeeyo oo runtii dad badan oo madasha fadhiyay aanay xogba ka haynin waxaanu yidhi”Waxaan maanta jeclaystay inaan idinla wadaago waxa uu utaagan yahay ururka Gaaroodi. Ururka Gaaroodi madasha lagu wada xidhiidho waxa la yagleelay bishii April sannadkii 2000 laakiin wuxuu ururku tisqaaday sannadkii 2001.

“Ururka Gaaroodina waa urur samofal, kana adeega deegaanada gobolka uu magaciisa huwan yahay, Astaanta ururku waa laba gacmood oo tilmaamaya Naxariis, Buug tilmaamaya waxbarasho, Laba arday, bil tilmaamaysa Diin, Samafal, Nabad, Caafimaad iyo astaanta dunida oo tilmaamaysa adduunka iyo hadafkiisa aynu tiigsanayno.

Ujeedooyinka Iyo Himilooyinka Ururka Waxa Ka Mid Ah.

1-Dhisid dugsiyo cusub ila heerka waxbarashada sare, kana kooban kuwo leh hurdo/cunto iyo kuwo maalintii uun la dhigto.

2-Dib-u-habeynta iyo dayactirka kuwa hadda jira.

3-Kor-u-qaadida tayada waxbarashada.

4-Dhisida rugo caafimaad.

5-Dib-u-habaynta iyo dayactirka kuwa jira.

6-Biyo raadinta deegaanada miyiga iyo tuulooyinka gobolka.

7-Wacyigalinta dadweynaha dhinacyada,( waxbarashada, caafimaadka, Nabaad-guurka dhirta iyo daaqa, daryeelka xoolaha nool iyo duurjoogta iyo dhaqaale abuurka). Nabadeynta, heshiisiinta, isu soo dhaweynta iyo walaaleynta bulshada ku dhaqan Geeska Afrika. Fidinta waxqabadka ururka ee gobolka marba inta awoodiisu gaadho.

Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in ururka Gaaroodi iftiinkii aqoonta uu ku baahiyay dhamaan deegaanada hoos yimaada gobolka uu magaciisa huwan yahay, waxaanu yidhi” Ka hor intii aan ururka Gaaroodi la aas-aasin deegaanka Gaaroodi oo ah deegaanka ugu balaadhan ee gobolka Maroodi Jeex oo ka kooban 32 Tuule iyo 13-Deegaan reer miyi kamay jirin wax adeeg waxbarasho oo kaamil ahi, waxaanu ururku bilaabay wacyi galin balaadhan oo dadka tuulayoowga Dagan lagu dhiirigalinayay inay waabab waabtaan oo ubadkooda wax baraan oo macalimiin ay qabsadaan, kadibna ururka Gaaroodi taageero ufidin doono had-ba deegaankii waxqabsada, taasina waxay dhalisay tartar dhexmaray dadkii tuulayowga deganaa, xataa ilaa ay gaadhay in deegaano badani ay iyagu iskuulkii dhistaan macalimiintiina qabsadaan.

Gudoomiyuhu wuxuu kasoo sheekeeyay taariikh dheer oo ku saabsan hawlihii waxqabad ee ururka gaaroodi fuliyay, waxaana xusid mudan in ururka Gaaroodi xafiiskii ugu horeeyay Hargeysa ka furtay sannadkii 2004, sidoo kale isla wakhtigaas ururka gaaroodi oo uu hogaaminayay Ilaahay Haw Naxariistee Caaqil Maxamuud Cali Cadagude xadhiga ka jaray Dugsiga Sare ee degmada Sallaxley ee hada ardaydu wax ku dhigtaan, Iskuulka Bali-mataan oo ururku laba fasal ku kordhiyay. Maanta deegaanka gobolka Gaaroodi waxa ka jira Dhawr Iyo Labaatan Iskuul oo saddex iskuul boodhin yihiin, waxaana wax ka barta iskuulada jiida ku yaalla arday ka badan 2,713 Arday.

Dugsi sare oo ku yaalla magaalada Sallaxley oo 14-kii arday ee ka qalin jabiyay sannad dugsiyeedkii 2009-to 2010 dhamaantood Eskoolarshiibyo helay, maantana macalimiin ka ah iskuulada iyo jaamacadaha dalka, waxaana sannad kasta iskuulka kasoo baxa arday heerkooda aqooneedi uu aad u dhisan yahay.

Ugu dambeyntii gudoomiyuhu wuxuu aad ugu mahadnaqay hablaha Gaaroodi oo dhakhtar casriya ka fuliyay magaalada Sallaxley, sidoo kale wuxuu Ilaahay Naxariistiisa Janno uga baryay Mudane Cawil Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa haldoorka ururweynaha Gaaroodi, islamarkaana laf dhabar u ahaa dhismaha Dhakhtarka Sallaxley, Cawil Cabdiraxmaan ayaa si weyn ula shaqeeyay hablaha Gaaroodi iyo bisha cas ee dalka Imaaraadka, waxaanu qadarku kusoo dagay isagoo ilaa Ambullance dhakhtarka diyaariyay.

Dhanka kale waxa isaguna shirka ka hadlay Aqoonyahan Biixi Iimaan Cige oo isagu marti sharaf ku ahaa shirka, isagoo kasoo kicitimay dalkii Hooyo, hawlo shaqana ku maraya anba uyimi dalka Maraykanka ayaa si wacan oo wanaagsan uga warbixiyay horumarka ka hanaqaaday Somaliland, waxaanu aqoonyahanku aad ugu dheeraaday fursadaha ganacsi ee wadankii yaalla isagoo ku booriyay in wax laysku dar-darsado oo ganacsi dalkii laga abuuro, si ay dadka iyo dalkuba uga faa’idaystaan, idinkuna wax uga heshaan ayuu yidhi Aqoonyahan Biixi.

Waxaanu ugu dambeyntii usoo jeediyay bulshada gobolka Gaaroodi inay taageero weyn ka gaystaan dhismaha Wadada Cad iyo hawlaha khayriga ah ee ururka Gaaroodi gacanta ku hayyo.

Ugu dambeyntii waxa madasha ka hadlay Cabdiwahaab Cumar Taraydh (Canbuule) oo runtii ka warbixiyay qiimaha ay aqoontu uleedahay bulshada iyo deegaankaba, sidoo kale waxa gabay qiimo badan madasha ka curiyay, kana tiriyay Abwaanka weyn ee Cabdi Gaas.

Waxaana shirka soo gunaanaday oo soo afmeeray Ganacsade Oday Maxamed Nuur-Yare oo mid mid u dul istaagay dhamaan qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka lagaga hadlay, waxaanu bulshada gobolka Gaaroodi ee reer Seattle ku amaanay kaalinta ay ka qaateen dhismaha Wadada Cad, walina ay wadaan ilaayo inta ay wadadu ka dhamaanayso, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay waxqabadka dhabta ah ee ururka Gaaroodi. Isagoo xusay inay waajib tahay in gacan lasiiyo oo la garab istaago ururka.
Shirka Seattle11

Shirka Seattle14
Shirka Seattle16
Shirka Seattle20
Shirka Seattle17
Shirka Seattle7
Shirka Seattle21

Seattle Washington.