Daawo Sawiro…Magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigay ilaa 6 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Taliska Hay’adda Nabad Suggida ee Dowladda, ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ilaa lix nin oo lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.

Raggaan, ayaa waxaa la sheegay in ay isugu jiraan Taliye-yaal hoose iyo kuwa fududeeya dilalka qorsheysan & qaraxyada, ay Ururka Al Shabaab ka fulinayaan Magaalada Muqdisho.

Ragga la soo bandhigay, ayay Nabad Suggidu sheegtay in lagu soo qab qabtay hawlgalo, ay Ciidamada Dowladdu ka fuliyeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah lixda nin ee la soo bandhigay, ayaa waxa uu xirnaa Jilbaab iyo indho shareer xilligii la soo bandhigaayay, waxayna Nabad Suggidu qeexday in lagu soo qabtay, xilli uu ku baxsanaayay.

Taliska Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgalada lagu soo qab qabanaayo dagaal-yahanada Shabaabka, ee ku baxsanaaya Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Amniyaadka ee Al Shabaab, ayaa waxaa la rumeysan yahay in muddooyinkaan dambe ay ku soo badanayaan Magaalada Muqdisho, taasina ay dhalisay in ay qal qal geliyaan xaaladii amni ee Caasimada.

Ururka Al Shabaab kama aysan hadlin ragga lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho.










 

Nagala Soo Xiriir dhacdo@h
Â