Daawo Sawiro: Nin Dalbaday in gacanta laga jaro kadib markii uu sameeyay fal xatooyo ah.

Sawirra lasoo dhigay Bogga twitter-ka ay leeyihiin mucaradka Suuriya ka dagaalama ayaa waxaa ka muuqanaya nin Suuriyaan ah oo gacanta seef looga goynayo si looga jiseeyo tuuganimo uu ku dhaqaaqay.

Gacan goysmadaan ayaa waxa ay ka dhacday waqooyiga dalkaasi oo ay ku xooganyihiin kooxahaani, gaar ahaan deegaanka Maskanah, oo u dhaw magaalada Aleppo.

Waxa ay sheegeen kooxda fulisay gacan goysmadaan in ninka oo horay wax u xaday uu codsaday in ciqaabtaas lagu fuliyo , maadaama uu fal xatooyo ah uu geestay.

Kooxaha Mucaaradka Siiriya Waxa ay ku macneeyeen gacan goysmada ninkan mid ay uga dhaqayaan denbigaasi si aan aakhiro loogu ciqaabin.

Sawirada ayaa waxaa sidoo kale lagu baahiyay dhamaan baraha ay leeyihiin kooxaha Al-qaacida xadhiidhka la leh iyaga oo ku faanaya gacan goysmada lagu fuliyay nin la sheegay in uu burcad yahay.

gacan_1gacan_2gacan_3

Â