Daawo Sawiro…Sharikada Kaaluumaysiga ee Pontus Marines oo kulan balaadhan ku qabatay Jeddah Sacuudi Arabiya kuna soo bandhigtay ka qayb qaadashada Maal-gashiga sharikadda.

1

Xalay oo Bishu aheyd 13.04.2014 waxa Magaaladda Jiddah ee Saudi Arabia, ka qabsoomay Xaflad si fiican loo soo abaabulay oo ay  Sharikadda Pontus Marine Ltd kuna sameysay Hotel ka mid Hudheelada waaweyn ee Jiddah, Halkaa Maamulaha Sharikaddu Mr. Axmed Abokor si tafatiran ugu sharaxay Dadweynihii ka soo qaybgalay Xafaldda ee Jaaliyadda Reer Somaliland  waxay damacsan tahay iyo siday u shaqeyn doonto Sharikaddu iyadoo u horseedi doonta kuna dhiirin doonta aadna u daneyneysa iney dadweynahu wax-wada yeeshaan.

16

Halkaa Maamukaha Sharikaddu wuxuu sheegay iney Saudi Arabia tahay halkii ugu   dambeysay ee ay booqan doonaan lana xidhi doono fursadaha ka qayb-galka Sharikadda, dhawaanna la bilaabi doono waxqabidka Sharikadda.

 5

Reer Jiddah KSA, aad ayey ugu soo dhaweeyeen Mudane Axmed Abokor Magaalada Jiddah, uguna mahadnaqeen sida sharafta leh ee u soo booqday isagoo weliba ka qaybgelinaya iney ka qaybqaataan Saami-qaybsiga Sharikadda Pontus Marine Ltd.

 

19

Reer Saudi Arabia ayaa aad ugu caan ah ka qaybqaadashada dhammaan Mashaariicda horumarinta ka socda Wadankeenna Somaliland.

 

Allaa mahad leh

 

Siciid Axmed-Salan

Salaanmedia-Jeddah, KSA

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 1517 1820 21 22